Muranka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Hiilka Xukuumada Ee Baashe Maxamed Faarax.

Anaga oo ku hadlayna Magaca Hogaanka Garabka dhalinyarada Xisbiga Wadani laantiisa Dalka Autria isla markaana tixraacayna Doorashadii Gudoomiyaha Aqalka wakiilada Somaliland Ee Dhacday 6 .8.2017 ka .Isla markaana Buuqa iyo Muranka siyaasadeed ka Dhashay . Ka dib markii ay soo Baxday xaqiiqda ah in la majara habaabiyay Hanaankii Tirinta codadka , waxa soo baxday oo bulshada reer somalilanad na garwaaqsatay in Gudoomiyaha sharciga ah ee la doortay uu yahaya XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILAHI (TARYANLE) . Ka dib markii aanu aragnay kuna qanacnay cadaymaha uu keenay Mudane TALYANLE .sidaa daraadeed waxaanu canbaaraynaynaa oo aanu u aragnaa farogalin toos in ay ku hayso xukuumada Somaliland si xaqdaro ahna ula safatay Gudoomiyaha aan Sharciga ahayn

ee BAASHE MAXAMED FAARAX. waxa kale oo ayaan daro wayn ah in ciidan ay ku wareejisay xukuumadu aqalkii Golaha Wakiilada isla markaana laga hor istaagay galitaanka Xildhibaanada iyo shaqaalihii kale ee ka shaqaynaayay Golaha . waxaanu u aragnaa dastuur jabin iyo afganbi ay xukuumadu kula kacday Golaha Wakiilada
Hadaba waxaanu bulshada Somaliland u cadaynaynaa in aanay xukuumadu dhex ka ahayn khilaafka sharci ee u dhexeeya Golaha wakiilada iyo shirgudoonkooda .waxa marag ma doon ah in xukuumada Somaliland iyo xisbiga talada hayaaba ay xaq iyo xaq daraba taageero la garab taaganyihiin Gudoomiya aan xaqa ahayn islamarkana aanay aqlabiyada baarlamaanku dooran .Hadaba BAASHE waa kuma? maxay se xukuumadu hiilka ugu tahay?

BAASHE markiisii horeba waa xildhibaan aan lagu soo dooran codka tooska ee shacabka iyada oo uu golaha ku yimi sifaha doorashada dadban ee isxambaarka loo yaqaan sidoo kalena baashe waxa lagu tiriyaa xildhibaanada faro ku tiriska ah ee u idman xukuumada iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE .

Sidaa daraadeed Baashe xukuumadu waxa ay u aragtaa nin ay ku fushant karto danaheeda siyaasadeed waana sababta ay ugu dufaacayso gar iyo gardaraba .

hadaba waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada iyo xisbiga talada dalka haya in ay ka wataan toobaan faro galinta qaawan ee haayada sharci dajinka Golaha wakiilada sidoo kalena ay aqoonsato Gudoomiyaha sharciga ah oo aanu u aqoonsanahay CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILAAHI (TALYANLE)

ALLA MAHAD LEH

G/G Dhalinyarada xisbiga wadani Austria SACAD JAAMAC AW NOUR

SICIID CAWSLE CISMAAN

MUXIYADIIN MUSTAFA TAFE

Gudoomiyaha