Muran Ka Dhex Qarxay Dalalka Bangaladesh Iyo Myanmar Iyo Sababta

(SLT-Myanmar)-Muran dublamaasiyaded ayaa ka dhex qarxay dowladaha Myanmar iyo Bangladesh.

Xukuumadda Bangaladesh ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay dalka ay dariska yihiin ee Myanmar taasi oo ku saabsan in diyaradaha Helcobtarada iyo Droniska Myanmar ay ku soo xadgudbeen hawadeeda.

Dowladda bangaladesh ayaa sheegtay in todobaadkii la soo dhaafay saddex maalmood oo ka mid ah ay diyaradaha Myanmar ay ku soo xadgubeen hawadeeda.

Dowlada Bangaladesh ayaa daandaansi ku tilmamtay in hawadeeda ay isticmaalaan diyaaradaha Myanmar.

Dowlada Myanmar ayaa dhankeeda waxa ay beenisay in diyaradaheeda ay ku soo xadgudbeen hawada wadanka Bangaladesh.

Dhanka kale waxaa sii kordhaysa tirada dadka qaxootiga ah ee ka soo qaxaya Myanmar islamarkana soo gaaraya Bangaladesh.

Tiradii ugu dambaysay ayaa muujinaysa in ku dhawaad 400,000 oo ah qaxootiga Rohingya ay soo galeen dalka Bangaladesh todobaadyadii ugu dambeeyay.

Dadkan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo qaxayaan howlgalada militariga xukuumada Myanmar.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office