Muqdisho: Saddex Qof Oo Ku Dhintay Gaadhi Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyey

(SLT-Muqdisho) – Inta la ogyahay saddex ruux ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Hargeysa, kaasoo ka dhashay gaadhi waxyaabaha qaraxa lagu soo xidhay.

Gaadhiga ayaa ku qarxay afaafka hore hoteel Golden oo ku yaalla isgoyska Shaqaalaha oo kasoo horjeeda guriga Shaqaalaha oo xarun u ah waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya “Baabuurka waxaa la dhigay hoteel Golden hortiisa, si lama filaan ah ayuu u qarxay, waxaa arkay dhimashada saddex ruux, shan kalena way ku dhaawacmeen,” sidaa waxa sheegay goobjooge ku sugnaa meel ku dhow halka qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga dowladdu ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaadhiga qarxay, iyadoo aan la ogeyn in gaadhiga uu yahay mid lagu soo xidhay qaraxa iyo mid lagu talo-galay.

Qaraxa

Hay’adaha amniga dowladda ayaan weli ka hadlin qaraxa gaadhigan, iyadoo ay tani kusoo beegmayso xilli ay wasaaradda amniga dhawaan soo saartay amar ah in xaruntii ganacsi ee uu gaadhi horteeda ku qarxa wax laga weydiin doono mulkiilaha xaruntaas.