Muqdisho: Nin Lagu Sheegay Sarkaal Maraykan Ah Oo Ku Dhaawacmay Xeebta Jaziira

(SLT-Muqdisho) – Nin Ajaanib ah oo lagu sheegay inuu yahay saraakiisha ciidamada Maraykanka ee caawiya ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, ayaa dhaawac soo gaadhay ka dib markii sida la sheegay inuu xeebta Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho uu ku qaniinay libaax badeed.

Ninkan oo gudaha u galay baddaasi, ayaa waxa laga soo saaray isaga oo labadiisa cagood mid ka mid ahi dhaawacan tahay isla-markaana dhiig faro badan ka da’ayo, sida ka muuqata Sawirro maanta ay baahiyeen warbaahinta Online-ka ah ee Soomaaliya.

Sarkaalka Dhaawacmay

Ma cadda in ninkan dhaawacu soo gaadhay ka mid yahay saraakiisha ciidamada Maraykanka ee AMISOM ka caawiya hawl-gallada lagula dagaalamayo Al-shabaab iyo in kale, hasa-yeeshee saxaafadda qaarkood ayaa sidaasi baahiyey.