Muqdisho Iyo Garoowe Oo Ku Heshiiyey In La Dhiso Ciidamo Milletari Ah Oo Isku Dhafan

(SLT-Garoowe) – Dowlada Federaalka Somalia iyo Puntland oo afartii casho ee ugu dambeeyey magaalada Garoowe wadahadallo uga soconayeen ayaa maanta kala saxeexday heshiis 12 qodob ka kooban.

Heshiiskaas oo labada dhinac ay u kala saxeexeen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socdey Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo dalka Itoobiya.

Qodobada lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa dhamaystirka dastuurka iyo dhismaha maamul goboleedyada iyada oo loo marayo qaab sharci ah. Dowlada Federaalka ayaa garowsatay inuu jiro wax ka bedel lagu sameeyey dastuurka arintaasoo Puntland si weyn ugu riyaaqday.

Heshiiska

Puntland ayaa soo dhoweysey dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada Galguduud iyo Mudug, waxaase heshiiska qayb ka ah in gobolka Mudug loo qaybiyey labo. Qaybta koonfureed oo ka tirsanaan doonta maamulka gobollada dhexe iyo qaybta waqooyi oo Puntland raacsan.

Qodobada muhiimka ah ee heshiiskani dhigayo waxaa ka mid ah:

  1. Dhismaha ciidamo qaran oo isu dheeli tiran iskuna dhafan.

  2. In si cadaalad ah loo qaybsado deeqaha lagu soo qaado magaca Soomaaliya.

  3. In si cadaalad ah loosoo magacaabo mas’uuliyiinta dowlada ee rayidka ah iyo kuwa aan rayidka ahayn labadaba.

  4. In si cadaalad ah loo qaybsado wixii kasoo noqda hantida Soomaaliya dibada uga maqan.

  5. Iyo in si deg deg ah laysugu soo celiyo hantida la kala haysto.

Shahaadada dugsiga sare ee Puntland ayaa kamid ahayd arimaha la isla meel dhigay, waxayna labada dhinac isla ogolaadeen in shahaadada lagu qoro magaca Dowladda Federaalka, astaanta qaranka iyo magaca Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Heshiiskan ayaa soo afjaraya khilaaf muddo dhowr bilood ah soo jiitameyey oo ka dhex jirey Dowladda Federaalka iyo Puntland.