Muqdisho: Araday Qalinjabintiisi Soo Jiidatay Bulsho Tiro Badan Looguna Deeqay Shaqo Iyo Waxbarasho Labaad.

(SLT-Muqdisho)Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kafaala qaaday waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda (Master Degree) Ismaaciil Axmed Maxamuud oo loo yaqaano Ismaaciil Raagge, kaasoo shalay ka qalin jebiyay Jaamacadda SIMAD.

Ismaaciil ayaa soo jiitay quluubta dadka dad badan , ayaa wuxuu  qabsaday baraha bulshada, kaddib markii uu shalay ka soo muuqday xafladii qalin jebinta Jaamacadda SIMAD, waxaa uu ka mid ahaa dadka baahiyaha gaarka qabay, dad badan ayaa ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray waxbarashadiisa iyo dhabar adeeggii uu muujiyay mudadii uu Jaamacadda dhiganayay, isagoo tusaale u noqday dhammaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Muqdisho.

Mr Ismaaciil ayaa ka qalin jebiyay Kuliyadda Maamulka Bankiyadda iyo Maaliyadda ee Jaamacadda SIMAD, isagoo dhiganayay tan iyo sanadkii 2013, waxaa uu Jaamacadda ku dhiganayay si bilaash ah oo deeq waxbarasho ahaan uu u siiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa aas aasayaasha Jaamacadda SIMAD ayaa u balan-qaaday Ismaaciil inuu ka bixin doono waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda Master Degree, meel kasta oo adduunka ka mid ah.

“Waxaa ila soo xidhiidhay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa uu ii balanqaaday waxbarashadeyda herka labaad, waana ka aqbalay inuu iga bixiyo Master Degree”ayuu yidhi Ismaaciil oo fariin soo dhigay bartiisa Facebook.

Ismaaciil ayaa durbaba maanta ka mid noqday Shaqaalaha Bankiga Premier Bank oo si weyn loogu soo dhoweeyay, isagoo si gaar ah u doortay shaqada Baniga, markii dhawr shaqo loo soo bandhigay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, isagoo ugu mahad celiyay waxbarashadii jaamacadda iyo kuliyadii uu ka qalin jebiyay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi  Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu hambalyeeyay Ismaaciil Raagge, waxaana uu ugu baaqay Xukuumadda inay xaqjiiyo sidii qoondo shaqaaleysiin ah loogu heli lahaa dadka baahiyaha gaarka qaba.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office