Muniir Axmed Cigaal Oo Baneystey Salaanka Siyaasadeed Kadib Markii Uu Ku Irkadey Taageerada Beeshiisu U Muujisey Xisbiga WADDANI.Fallo Hiiraan.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Siyaasiga Muniir Axmed Cigaal ee dhawaan ka digarogtey Saaxada Bahda Saxaafadeed ee Somaliland kadib markii uu Wakhti Mudo laga joogo ku biirey Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyadoo taasi keentay in Shaqadii Telefeeshin Qaranka ee Wasaarada Warfaafinta laga Ceydhiyay iyadoo loo sibir saarayay salaanka siyaasadda ee uu cagta saaray, taas oo cabsi ku abuurtay Wasiiro ay degaan ka soo wadajeedan oo u arkaayay inuu khatar galin karo.

Inkastoo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) horaantii Sanadkan u Magacaabey kaaliyihiisa Saxaafadda ee Murashaxa, wuxuu markiiba is faham iyo kalsooni ka dhex dhaliyay warbaahinta madaxda banaan iyo Xisbiga Wadani , isagoo noqday masuulka ugu saamaynta badan xisbiga dhinaca warbaahinta, dhinaca kale wuxuu Muujiyey mudada uu kujirey Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani kaalin firfircoon oo Mucaaridnimo taas, oo uu ku beegay hirdankiisa Siyaasadeed Wasiirka ay isku hayaan Deegaanka ay kasoo Wada jeedaan ee Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).

Oo ah Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta islamarkaana katirsan ragga lagu tiriyo in ay daacada u yihiin Xisbiga Kulmiye ee la tartamaya Xisbiga Wadani. Arrimaha Wakhti xaadirkan lagu qiimayn karo awoodiisa siyaasadeed Muniir Axmed Cigaal ee dhinaca degaanka uu ka soo jeedo iyo dardarta uu ku wajahay dhanka loolanka iyo dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Mucaaridada Xisbiga Wadani oo u jeel qabay cudud tageero oo uu ka helo degaankaas.

Waxa lagaga Tusaale qaadan karaa Marka hore kaalinta Xisbiga Wadani ee Dardargalinta Dhinaca Warbaahinta oo qeyb ka ah Xilkii loo Magacaabay iyo Sida uu ugaga adkaadey Deegaanka uu kasoo jeedo Wasiirka ay isu beegan yihiin Wakhti xaadirkan Cali Mareexaan iyadoo loo nisbaynayo arimo door ah oo ay kamid yihiin in marka hore beesha uu kasoo jeedo oo Xisbiga Kulmiye ayidsaneyd ay mar kaliya isugu biya shubatey Xisbiga Wadani taas oo qof waliba garawsan yahey in ay adkaan laheyd hadii itaalka Xilka Wasiirnimo iyo Shakhsiyada mansabkaa Siyaasiga ah joogaa uu miisaan Siyaadadeed leeyahey in Mawqifka Beeshu isbadalo haseyeeshee fursada iyo dhaqdhaqaaqyada isbadalay yihiin kuwa ku yimid sida ay kaalinta firfircooni iyo Xaqiiq kujoog ugu kala duwanaadeen Muniir iyo Cali Mareexaan si kasta oo ay tahey.

Isbadelada dhinaca dabeylaha Siyaasadeed ee Deegaanka Degmada Qoryaale iyo Beesha Abokor Axmed ayaa Qeyb ka noqonaya in ay Mustaqbalka dhaw si fudud isu badeli doonaan Siyaasiga da’da yar Muniir Axmed Cigaal Kaaliyaha Saxaafada ee Murashaxa jagada Madaxweyne Xisbiga Wadani iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gutyeyntu Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) taas oo ka midha dhalineysa bilawgii jaaha Siyaasadeed ee Muniir kaga hanaqaadey udub dhigiisa uu Saxaafada ugaga Wareegay dhinaca Siayaasada irkashada Beeshiisa iyo kaalintiisa Firfircooni ee uu kaga soo gudbey Mustaqbalka Shakhsiyadiisa uu Hurumarka ka Sameeyay….

Cabdiramxaan Nuux Axmed (Hiiran)

Wariye Falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Email: hiiraan2007@gmail.com