Munaasibad Lagu Xusaayay Maalinta Shuhadda SNM Oo Lagu Qabatay Magaladda Hargeysa.

(SLT-Hargeysa) – Munaasibadda oo si heersare ah looso agaasimay waxa lagu qabtay beerta xoriyadda ee magaladda Hargeysa waxana kasoo qaybgalay boqolaal dadwayne ah xubno katirsan golaha wasiiradda mujaahidiinta Jimciyadda SOYAAL guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE iyo ku xigeenkiisa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Iyo Maxamed Kaahin Axmed Masuuliyiin iyo marti sharaf kalo badan,

snm
uugu horayntiina waxa halkaasi hadalo kasoo jeediyay Xasan Guure Jaamac iyo Ibraahin dhaga wayne waxana ay labadasi mujaahid ku dheraaden sida ay muhiim u tahay xuska maalinta Shuhadda SNM.

 

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa halkaasi hadalo kasoo jeediyay waxana uu tilmaamay qiimaha ay leedahay SNM iyo kaalinta ay bulshadda kaga jirto” Nasiib wangaag SNM waxa ay leedahay Madaxwaynaha Dalka hadana nasiibdaro waata bulshadda ugu hoosaysa inata u dhaxaysa waa in lasoo buxiyaa oo meel la isugu keeno, sideedaba dhaqaalaha wadanka marba qola ayuu gacanta u galaa berigii hore waxa la odhan jiray ganacsatadda ayuu ugu jira imika wadadada ayuu ugu jira dabaqadda dhexe ee bulshadu waa culimadda ilaahay ha u barkeeyo, dadkuna wadaadada ayay waxa udhiibtan markaas wadaadada waxan leyahay waa inay bulshadda dabaqadaheeda  ay isu soo dhaweyaan” Waxa isaguna intii munasibaddaasi socotay hadal kasoo jeediyay wasiirka wasaradda Caddaaladda Somalilnd Xuseen Axmed Caydiid,

 

Guddoomiyaha Ururka samafalka ee SORDA Axmed Shaqale oo munasibadaasi ka hadlay waxa uu yidhi” anigu waxan ahay dhalinyaradii dhalatay markii hargeysa lasoo galay ee 84-kii mar uun waxn ku hamiyi jiray inaan halkan ka hadlo oo aan u mahad celiyo SNM, Anigoo ah gudoomiyaha SORDA waxan halkan ka sheegaya 200-oo araday oo wax barsho ay ka faa’iidaysan donaan caruurtii SNM waxan leyahay mu jaahidiinta soo halgamay waanu idiin abaalgudayna, ardaydaasina waxa ay wax ka baran donaan jamacadaha Dalka waxan kawada shaqaynaynaa masuuliyiinta SOYAAL “

Jaamac Aadan Maxamed (jirde)

Somalilandtoday Hargeysa Office