Mulkiilaha Shirkada Facebook Oo 25 Milyan Oo Dollar Ugu Yaboohay Dagaalka Lagula Jiro Cudurka Ebola.

(SLT-New York)-Ninka isagu aas-aasay facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in $25Milyan oo doolarka Maraykanka ah uu ku yaboohay dagaalka lagula jiro cudurka Ebola si ugu danbeynta loo gaadho wakhti ay dunidu guul ka gaadho in gebi ahaanba la yareeyo fiditaankan Viruskan.

Tabarucaadan uu u sameeyay goobaha lagu karantiilo dadka qaba xanuunka iyo sidoo kale ka hortaga cudurka ebola ayaa ka mid ah tabarucaado hore oo ninkan iyo xaaskiisa oo la yidhaahdo Pricilla ay sameeyeen sanadihii la soo dhaafay, hantidiisu iminka waxay kor u dhaaftay $30Bilyan.

“Waxaan u baahannahay in xanuunka fiditaankiisa aan yareyno si aanuu meelo fog fog u gaadhin kaas oo ay suuragal tahay in uu noqdo dhibato muddo dheer dunida hortaagnaata oo muddo sanado farabadan qaadata in la soo afjaro, sida Hiv iyo Polio” Sidaa waxaa yidhi Mr Zuckerberg oo sidan ku yidhi qoraal oo ku soo qoray bogiisa Facebook-ga.

 

c

“Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay sida ugu dhakhsaha badan ee aan awood ku siin karno xaruumaha ka hortaga cudurkan iyo sidoo kale khubarada ku sugan goobaha uu xanuunku aafeeyay”.

Ilaa iyo hada xanuunka ebola waxaa u dhintay dad tiradoodu kor u dhaaftay 4,000 oo qof oo badidoodu ku geeriyooday dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinnea. Khubarada ayaa ku warameysa in xanuunka oo lagu xakameeyo halkiisa oo la sugo in uu halkaa ku soo gaba gaboobo ay tahay sida keliya ee xanuunka lagaga baajin karo in uu gaadho xeebaha dalka Maraykanka.

Muwaadin u dhashay dalka Liberia oo la odhan jiray Eric Duncan ayaa ku dhintay magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka ka dib markii uu xanuusaday  isaga oo markii danbe laga helay xanuunka ebola, kaas oo noqday kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka ebola ah ee laga helo gudaha dalka Maraykanka. Wixii intaa ka danbeeyay ,gabadh 26 jir ah oo daweyneysay Duncan ayaa laga helay xanuunka taas oo cabsi weyn ku beertay shaqaalaha caafimaadka ee dalka Maraykanka iyada oo su’aalo la iska weydiinayo in nidaamka caafimaadka ee Maraykanku uu diyaar u yahay in uu la tacaalo xanuunkan iyo in kale.

“ Waxaan rajo ka qabnaa in tani ay nafo badan bedbaadiso oo ay suurogeliso in xanuunkan la xakameeyo” Sidaa waxaa yidhi Zuckerberg.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com