Muj: Cali Guray Oo Siweyn Uga Damqaday Weedho Kamid Ahaa Waraysigii Shabakadda Somalilandtoday La Yeelatay Guddoomiye Abdiraxmaan Cirro, Eedo Kululna U Jeediyay.

(SLT-Hargaysa) Muj: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah guddoomiye kux-geenka saddexaad ee Xisbiga Ucid, ayaa si kulul uga gubtay isla markaana eedayn ballaadhan kaga jawaabay hadal kamid ahaa Waraysigii Shabakadda Somalilandtoday la yeelatay Guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Ururka Wadani Abdiraxmaan Maxamed Abdillahi (Cirro), oo waraysi gaara ku siiyay Shabakadda isagoo ku sugan waddanka Ingiriiska. Guddoomiye Cirro ayaa mar ay Shabakadda Somalilandtoday wax ka waydiisay eedo uu hore ugu jeediyay Cali Guray oo ay kamid ahayeen inuu Ururka Wadani ay gacan qabteen qaar kamid ah Wasiirkada Xukuumadda ayaa kaga jawaabay su’aashas oo waraysigaas ku jirtay.

Muj: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

“Cali Guray meqaamka hadalkiisu micno badan samayn maayo dadkuna waa ka dharagsan yihiin, Cali waa nin Ururada gala oo hadana ka baxa, markaa hadalkiisu wax ka soo qaad maleh.”. Jawaabta Guddoomiye Cirro waraysigaas ka sheegay ayaa siweyn u gubtay Cali Guray wuxuuna kaga jawaabay shirjaraa’id oo uu maanta qabtay, isagoo ku tilmaamay Guddoomiyaha Wadani nin aan run sheegin,  hadalkiisuna aamin ahayn. Hadaladaas oo kamid ah kuwii ugu kululaa ee siyaasadda Somaliland laysku weydaar sado. Waxaana kamid ahaa hadaladii Cali Guray.

“Horta Xisbiga UCID wuu ka jawaabayaa, waliba isagu  (Abdiraxmaan Cirro) maaha  kii UCID Iyo cid UCID ahba soo qaadi lahaa,  ninkii gabayaga ahaa ee reer Djabouti ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee Ibrahim Gadhle ayaa yidhi ?Tuugu Wuu Isqariyaa Halka uu ka xado Tulud, Taakuu ka guura, todobaadkan Xaajoow, Nin Tiriig Sitaa yimid. Ma Ninkaan Tib Culusiyo, Usha Ugu Tukubayee toogasha u qoraa, igu tumay albaabada, cirro isagaa horta badan soo galay.

La yaabi maayo oo horta aad buu u dheereeyay, khaladkiisana waxa wax ku leh guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo isaga oo ku fadhiya Kursigii uu siyaad bare kaga tagay oo Moscow jooga Gacanta ka soo qabtay oo UCID Keenay” Cali Maxamed Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yidhi.

“Hadii Hadalka Cali Guray aanu wax ka soo qaad lahayn, ma waxa wax kasoo qaad leh hadalkiisa, ninka hadii uu wax sheegayo been sheegaya, Hadii la aaminana, wax khiyaamaynaya, hadii uu wacad galana ka baxaya”

Mujaahid Cali  Guray maruu ka hadlaayay tartanka ka dhaxeeya labada urur ee Wadani iyo ummada isagoo si toosa ugu tilmaamay Guddoomiye Cirro nin la dagaaya ururka Umada wuxuu yidhi. “Anigu ma jeclin in aanu u jawaabno, waayo maantadan ayaanu og-nahay qandaraaska uu sitaa in uu yahay in uu la dego urur kale. Uma socdo Madaxweyne, umana socdo wax kale, laakiin waxa uu u socdaa in uu la dego Maxamed Cabdi Gaboose iyo ururkiisa umadda, intaas uun buu qandaraaskiisa ku soo qaatay”.

Weedhahan Cali Guray ayaa laga dhadhan sanaayay cadho badan oo uu ka qaaday hadalka Guddoomiyaha ururka Wadani Abdiraxmaan Cirro. Si kastaba ha ahaate Waraysigii ay Shabakadda Somalilandtoday la yeelatay Guddoomiyaha ururka Wadani ayaa noqday mid si weyn u dhex mushaaxay masraxa Siyaasadda Somaliland.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com