MUGA MASXKAXDA BINI AADAMKU KA ISTICMAALO

Waxaa waajib ah oo ay tahay inaynu markasta ku mahadino alle SWT inuu ina abuuray hadana bini aadam inaga dhigay waliba kaa fadilay makhluuqiisa kale kuna karaameeyey.
Hadaan u fiirsano awooda eebe ina siiyey iyo nimcooyinkiisa alle ayaa inoo sheegay oo maba koobi karno tiro uun haday jirto laysla yaqaano laguma koobi karo. Hadaba waxaan si gaara u soo qaadanayaa xubinta MASKAXDA oo ah halka awaamiirtu ma dhacdo ee fulinteeda u adeegsata xubnaha kale si ay u dhamaystirto go.aankeeda laakiinse suaashu waxay tahay intee in leeg ayaynu ka isticmaalaa muga maskaxda inagu jirta?

maq
In badan ayaa waxaa ka hadlay khubaro ku takhasustay maskaxda oo waxaaba la sheegay inanu ka isticmaalo kaliya 10% ama wax kayar sidaad darted waxaa la sameeyey daraasad badan oo kala danbeeyey natiijooyina soo saaray oo waxaa ka mid ahayd daraasad ay soo saareen Harvard psychologists William James and Boris Sidis waxaana la sameeyey 1890 kii waxaana lagu sameyey 250-300 oo qof lagu ogaaday inay bini aadamku ka isticmaalaan maskaxda ku jirta 10% iyo wax ka yar oo fraction ah
Waxaa kaloo la sameeyey daraasado badan oo ka danbeeyey oo ay ka mid tahay 1970 oo uu sameeyey psychologist Georgi Lozanov isna wuxuu sheegay inaynu ka isticmaalno 5 to 10% sidaa darted waxaa muhiima inaynu korino habka fakarka iyo adeegsiga maskaxdeena oo curino wax cusub waxa qariib noqotay oo maskaxda dadkii wakhtigaa ka waynaatay siduu u farijiray Albert Eintein dabadeed waatii dhacday in maskaxdiisa la qalay markii uu dhintay oo waxaa la sheegay in maskaxdiisu ay dadka wax dheertahay si taas loo xaqiijiyo waa la qalay balse waxaa loogu tagay gram kii lagu yaqaanay maskax bini aadam intuu ahaa aan idin xasuusiyee waa ninkii lahaa fikirkii ahaa laydhka aynu manta wada shidano ee badankeenu aanu aqoon meesha uu ka yimi iyo cidii shidayba
markii aan arkay ama markii iigu horaysay aan maqlay cid ka hadlaysa maskaxda oo Somali ah wuxuu ahaa oo aan dhagaystay muxaadiro uu jeediyey oo waliba aan jelsada fadhiyey sh.mustafe dabadeed sh.google na la kaashaday way isku kay waafaqeen inaynu ka isticaalo tirada aan kor ku soo sheegay cajiib hadaad da.ahaan jirto 30.40 ama 50 iyo wixii ka sareeya hadana dunida aad ku nooshahay wax badan aanad ku soo kordhin macnaheedu waa ka maad faaiidaysan awood badan oo kugu jirta ee la soco waxaa la sameeyey daraasaad badan waxaana laysu keenay tiro dad ah oo caruura si loo ogaado isticmaalka muga maskaxda bini aadamka u jeedadu waxay tahay inaad keento fikiro ama wax cusub oo aad dhaxal ahaan uga tagto umadaha kaa danbeeya ee iman doona si ay u munaafacaad sadaan adigana ajer dheeri ahi kuugu socdo mase ogtahay inaad xidhan tahay wax qof bini aadam ahi hindisay tusaale ahaan shaadh kaaga cid ayaa hindistay. Surwaalkaaga garankaaga ukiyaalaha aad xidhan tahay kabaha.iyo xataa dhismaha aad seexato ama furaashkaagaba adigu se ismaad dhibin oo waad gashataa waanad ku seexataa waanad ku socotaa mana ogid cida hindistay ee sidan wax u samaysay oo adigu waad iibsataa uun hadaba intaad hareerahaaga fiiriso moodhka iska tun oo iskuday waad awoodaaye
Waxaase dadka somalida haysta mushkilad ah waacaadi iyo waa iska caadi + wahsi laakiin cuntada kama wahsatid xataa hadii aad salaada ka wahsatid saw maaha

By: CABDISAMED XASAN HIRAD
Email:cabdisamedxasan3@hotmail.com
Community participant