Mudanayaasha Wakiillada Oo La Filayo Inay Kulan Xaasaasi Ah Yeeshaan Maanta

(SLT-Hargaysa)-Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inay fadhi aan caadi ahayn oo xaasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Hargeysa Axadda maanta, iyadoo xildhibaannada muxaafidka ah ku hanjabeen in aanay fadhigaasi ka qaybgeli doonin.

Golaha Wakiillada oo ku jira fasax lix toddobaad ah, ayaa dib la isugu yeedhay maanta, waxana sida qorshuhu yahay lagu ansixin doonaa xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka, iyadoo sidoo kale fadhiyada maalmaha soo socda laga hor akhriyo doono Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015Hasayeeshee,mudanayaasha mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa maalmihii u dambeeyey warbaahinta isu mariyey dhalliilo iyo eedaymo ka dhan  ah Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaasoo ku dooday inay golaha hordhigi doonaan mooshinno ka dhan ah madaxweynaha iyo guddoomiyaha wakiillada, iyadoo arrimahaasi u muuqaad qaar xaasaasi ah oo laga dhex dareemi doono fadhiyada goluhu yeelanayo maalmaha Axadda iyo Isniinta, lana filayo in maalmo kale oo dheeraad ah fadhiga aan caadiga ahayn sii socdo.

Golaha-Wakiillada-Somaliland

 

Xildhibaannada labada garab oo si gooni-gooni ah shir-jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa qolo walba dhankeeda ugu hanjabtay inay Golaha Wakiillada hordhigi doonaan mooshinno ka dhan ah Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Siilaanyo, masuuliyiintaas oo ay dhaliiyo iyo eedaymo kala duwan u jeediyeen.

Mudanayaasha muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada oo saxaafadda la hadlay maalintii Arbacada, waxa ay ku eedeeyeen Cabdiraxmaan Cirro inuu gabi ahaanba ku tuntay shuruucda u yaal dalka iyo nidaamka wada-shaqayneed ee golayaasha baarlamanka Somaliland, iyagoo ku hanjabay marka golaha la furo inay xil-ka-qaadis ku samayn doonaan Guddoomiyaha Wakiillada, haddii aan goluhu ka doodin tuhunnada laga qabo xeerka diiwaangelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo mudanayaashu ansixiyeen 30 September 2014 oo la sheegay in aannu ahayn kii Wakiilladu meel-mariyeen ee uu gudbiyey Golaha Guurtida, kaasoo shirguddoonka guurtiduna dib ugu celiyeen, balse markale Guddoomiye Cirro u gudbiyey Guurtida.

Dhinaca kale, mudanayaasha mucaaridka, ayaa iyaguna dhinacooda si adag u difaacay guddoomiyaha, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaasoo ku hanjabay inay golaha hordhigi doonaan mooshin maamuus-ka-xayuubin ah oo ka dhan ah madaxweynaha, haddii muxaafidku isku dayaan inay xil-ka-qaadis ku sameeyaan Guddoomiye Cirro.

Mudanayaasha mucaaridka ayaa ku eedeeyey xukuumadda KULMIYE inay ku hawlan yihiin sidii muddo-kordhin loogu samayn lahaa Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo xusay in xeerka diiwaangelinta madaniga iyo cod-bixiyeyaasha loo gudbiyey Golaha Guurtidu yahay mid sax ah oo aan khaladaad ku jirin, waxayna guddoomiyaha Guurtida ku dhaliileen inuu hortaagan yahay ansixinta xeerkaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saxaafadda u sheegay in golahooda dhexdiisa lagu dhammayn doono khilaafka u dhexeeya mudanayaasha mucaaridka iyo kuwa muxaafidka ah, isagoo xusay inuu labada dhinacba u yahay oday, balse waxa uu hurinta khilaafkaas ku eedeeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Geesta kale, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah mudanayaasha ku abtirsada xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Geeska Afrika cadadkiisii shalay ku sheegay in xildhibaannada Wakiilladu ka doodi doonaan labada nuqul ee kala ah xeerka diiwaangelinta ee hore loo ansixiyey iyo nuqulka labaad ee Guurtida loo gudbiyey, golaha dhexdiisaana lagu kala dooran doonaa labadaas xeer ka ansaxa ah.

“Xeerka diiwaangelinta muran ayaa ka taagan oo labada gole (Guurtida iyo Wakiillada) ayaa isku celceliyey, laakiin waxa la raacayaa uun xeerkii goluhu ansixiyey oo dib loogu noqonayaa, waayo xeer ayaa la ansixiyey, kaas ayaana ah kii rasmiga ahaa…Wax kasta oo ay isugu jawaabeen arrinkani golaha ayuu imanayaa, Golaha ayaana lagaga hadlayaa xeerka loo codeeyey, markaa Golaha ayuun ba qaraar ka qaadan doona xeerka la qaadan doono,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax, isagoo Guddoomiye Cirro-na hore u caddeeyey in xeerka uu Golaha Guurtida yahay ka saxda ah, isla markaana waaqsan yahay dastuurka.

Hadalladaas is-khilaafsan iyo murannada joogtada ah, ayaa fadhiga Golaha Wakiillada ee furmaya Axadda maanta ka dhigaya mid xaasaasi ah, isla markaana aan la saadaalin karin natiijooyinka ka dhalan, kara marka laga reebo ansixinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, inkastoo la sheegay inay 24-kii saac ee la soo dhaafay la waday dedaallo iyo isku dayo lagu doonayo xallinta khilaafka Wakiillada, fadhiyada golahana lagu koobo laba qodob oo kala ah; ansixinta Guddiga Doorashooyinka, xeerka diiwaangelinta muwaaddinka iyo codbixiyeyaasha Somaliland.

Mudanayaasha muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa guddoomiye Cirro ugu baaqay in aannu fadhiga golaha furin maanta, lana hakiyo, ilaa inta Guurtida loo gudbinayo nuqulka saxda ah ee xeerka diiwaangelinta mudanayaashu ansixiyeen bishii September, iyadoo mudanayaasha muxaafidka ah ku hanjabeen in aanay ka xaadiri doonin fadhiga maanta.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com