B. Faso: Dadweyne Xoog Ku Riday Madaxwayne 27 Sanadood Hoggaaminayey + Sawirro

(SLT-Hargaysa) – Rabshado iyo Mudaaraadyo aan joogsi lahayn oo ay dhigayeen dadweyne ka cadheysan inuu xilka ku darsado Madaxweynaha Burkina Faso,  ayaa ku khasbay inuu xilka ka dego, isagoo caawa shaaciyay inuu is casilay sidoo kalena ka baxay Qasriga Madaxtooyada.

165963277_01_795805b_78668380_bzm762qi

Mr Compaore ayaa sheegay in mudo sanad ah uu xilka sii heyn doono isagoo soo dhisi doona dawlad kumeelgaadh ah, wuxuuna shalay kala direy xukuumadiisa hore. Balse waxaa Mudaharaadkii sii laban laabay dadwynaha rer Burkina Faso, iyagoo ugu danbaynti ku khasbay inuu is casilo.

_78668377_1uh3b0ro_78669556_prot

Dadweynaha cadheysan ayaa gubay xaruntii Baarlamaanka iyo dhismeyaal kale oo dawladeed, waxaana ay dalbanayeen in uusan mar kale u soo tartamin doorashooyinka.

Mr Compaore, ayaa xilka waddanka Burkina Faso hayay 27-sanno ee la soo dhaafay wuxuuna kamid aha Madaxweynayaasha ugu tariikhda dheer Afrika xagga xil haynta, Dastuurka waddanka ayuu dhawr jeer badalay si uu xilka u sii hayo, waxaase ugu danbayntii lagu heshiiyay in Madaxweyne kasta xilka hayn karo laba xili doorasho, balse  markale ayuu hadda doonay inuu sii hayo Xukunka taas oo keentay cadhada dadka Mudaharadaayay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com