Mucaaridka Oo Ka Biyo-diidsan Joojinta Xeerka Diwaan-gelinta Madaniga Ah Ee Golaha Guurtida

(SLT-Hargeysa) – Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa uga digay Golaha Guurtida inay xukuumadda u sameeyaan muddo kordhin.
Waxa uu sheegay in haddii Muddo kordhin xukuumadda loo sameeyaa ay dhaawacayso nabad-gelyada dalka iyo dimuquraadiyada “Waxa dhacday in Golaha Guurtidu xeerkii laga heshiiyay ee waliba xisbiyadu tanaasulka badan u sameeyeen, ay dib u soo celiyeen iyagoo fasax sii gelaya. Taas waxaan u arkaa inay tahay mid la rabo in umadda xaqooda lagu duudsiyo oo doorashooyinka dib loo dhigo”. “ haday doorasho dhici waydana waxa la rabaa inaan dalka wanaag iyo nabadi ka dhicin”ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

m

Waraysi uu siiyay Warbaahinta, waxa kale oo uu ku sheegay Cabdirashiid Xasan Mataan, inaan dalka lagu maamulin dhaxaltooyo kursiga la iskaga dhaxlo sida guurtida oo kale “Markaa Ma jiri karto wax muddo kordhin ah oo dalkan ka xalaaloobi kartaa. Guurtidu boqolkiiba siddeetan waxay ku joogaan waa Dhaxal 23 sannadood ayaanay fadhiyaan” ayuu sii yidhi.
Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID waxa uu qiray inay jiraan Duruufo ku gedaaman doorashooyinka, balse hadana waxa uu carab-baabay in duruufahaasi ay yihiin kuwo la abuurayo.
Waxaanu yidhi “Waa dhab oo Duruufo way jiraan, laakiinse waa duruufo la abuurayo oo ay xukuumadda iyo Guurtidu abuurayaan, laakiinse umaddan iyo Mucaaridku toona aqbali maayaan in muddo kordhis guurtidu samayso”.
Hogaamiyeyaasha kale ee Asxaabta mucaaridka ah, ayaa iyaguna labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn u dhaliilayay talaabada Guurtidu ku joojisay Xeerka Diwaan-gelinta medeniga ah iyo Codbixiyeyaasha.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo Arbacadii toddobaadkii dhamaaday Magaalada Gabiley, kala hadlayay Xisbigiisa ku soo biiray ayaa tilmaamay inay walaac ka qabaan dib u soo celinta guurtida ee Xeerk Diwaan-gelinta.

Xigasho:  Wargayska Somalilandtoday