Millatariga Somaliland Ee Buuhoodle Ku Sugan Oo Beeniyey Inay Ka Goosteen Ciidanka Qaranka

Hargeysa (Somalilandtoday)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee jooga magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan ciidamo dhawaan saxaafadda kula hadlay degmada Carraweyn oo sheegayay in ay ku biireen Puntland horena uga mid ahaayeen ciidamada Somaliland. Saraakiisha ciidamada oo maanta Buuhoodle ka hadlay ayaa sheegay in niman siyaasiyiin ah oo Puntland ka yimid arrintaasi abaabuleen, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonan.


“Anaga oo ah ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee bishii June 2016 lagu Qarameeyay Carraweyn kuna soo guurnay amarka jananka oo aanu Buuhoodle ku degenayn labada sannadood, waxaa shalay ka dhacay Carraweyn been abuurad iyo ciidan Puntland ah oo tagay oo isku sawiray iyo 8 nin oo naga baxsaday oo ciidankayaga ahaa arrintaasi waanu beeninayna Puntlandna waxaanu leenahay faro gelinta haddii aydaan naga dayn wixii halkaas ka dhaca idinka qaba,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka.
“Ciidankan waa guutada 95-aad ee fadhigeedu yahay Buuhoodle, waxa weeye arrinta shalay ka dhacday Carraweyn oo ay sameeyeen niman ka socda Puntland oo xildhibaanno sheeganaya iyo niman ciidan ah oo ay wataan, 8 askari oo kaantaroolka joogay oo anaga fakad naga ah, dad ay urursadeen iyo ciidan ay wateen ayay sawir ka duubeen waxaanay yidhaahdeen ciidankii Carraweyn ayay ahaayeen taas waxba kama jiraan kuwaasna talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadayna anaga oo ah ciidankii Somaliland ee Buuhoodle degan,”
Odayaal ka hadlay goobta ciidanku ku safna ee saxaafadda kula hadlay ayaa xukumadda ku boorriyay in ay dhammaystirto daryeelka ciidamada Qaranka ee jooga Buuhoodle