Milicsiga Lagacaha Ku Baxay Mashruuci Fashilmay Ee Biyo Balaadhinta Hargaysa .

(SLT-Hargaysa) Iyadoo shalay uu si rasmiya u shaaciyay Wasiirka horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore inuu fashilmay mashruuci biyo ballaadhinta Hargaysa ee Xunba weyne, ayaanu halkan idinku soo gudbinaynaa lacagaha xad dhaafka ah ee ku baxay Mashruucaas.

Lacag dhan $153.5 Million Doollar oo loogu tabarucay ambaqaadka illaa dhamaystirka mashruuca biyo gelinta iyo ballaadhinta Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa haatan xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqday in uu fashilmay mashruucaasi oo soo socday tan iyo sannadkii 2011!.
Lacagihii ku baxay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo qaadhaan-bixiyaasha bixiyay:-

1- Dawladda imaaraadka carabta, waxay ku deeqday $30 Million
2- Midawga Yurub (EU) ayaa dawladda Somaliland ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo 4 Magaalo oo Caasimadu ku jirto.
3- Isla sannadkii 2011 Midowga Yurub (EU) waxay Somaliland ugu deeqday $64 Million oo loo qoondeeyay 9 Mashruuc oo ka ugu badan ahaa biyo-ballaadhinta Caasimadda oo dhan $8.5 Million dollar.
4- Qorshaha horumarinta Qaranka (SDF) waxa loo qoondeeyay 2012-2016 mashruuca biyo-ballaadhinta $28 Million oo dollar.
5- Dawladda Jarmalku waxa iyadana fidinta Biyaha Hargeysa ugu deeqday $23 Million oo dollar.
6- Shirkadda Coca-Colla ayaa iyaduna ugu deeqday $5 Million oo dollar biyo ballaadhinta Hargeysa.
7- Baanka Adduunku (WP) isna wuxuu ku deeqay lacag dhan $6 Million oo dollar.
8- Sanduuqa Horumarinta (SDF) ayaa haddana loogu soo shubay biyo fidinta Hargeysa lacag dhan $10.5 Million dollar.
9- Mar saddexaad waxa ay Midawga yurub (EU) ku yabooheen lacag dhan 15$ Million oo lagu dhamaystirayo mashruuca biyo gelinta Magaalada Hargeysa.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office