Milicsiga Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii. Q…6aad. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dhinaca kale dagaalka waxaa culayskiisa looga awood sheegtay Soomaalida dhinaca cirka, in kasta oo Soomaalidu diyaarado badan oo cirka ka dagaal gala haysatay. In kasta oo diyaaradaha Itoobiyaanku ahaayeen kuwa Maraykanka kuwa Soomaaliduna ahaayen kuwa Ruushka, haddana dhinaca xirfadda iyo waayo-aragnimada ayaa la yidhaahdaa ayaa sabab u noqon karay in Itoobiyaanku hawada ku gacan sareeyaan. Sida la og yahayna wakhtigaas dagaalku dhacayo ciidamada cirka Itoobiya waxay dhisnaayeen muddo 30 sano ah halka kuwa Soomaalidu ay dhisnaayeen muddo 15 sano ah.

download (1)

Dagaalkii 1977-78 wuxuu ku dhammaaday in Afrika iyo caalamkuba ku baraarugeen awoodda Soomaaliya iyo in libaaxii Afrika laga dhigay bisaddii Afrika, sida uu mar ku sifeeyay Jeneraalkii Hoggaaminayay dagaalkaas ee Maxamed Cali Samatar.

Dagaalkaasi wuxuu keenay in qaxooti fara

badan oo Soomaali-Galbeed ahi ay yimaadaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, kuwaasoo lagu qiyaasay sannadkii 1983kii hal milyan iyo badh (1.5 mily¬an). Iyadoo 750.000 ka mid ah qaxootigaas ay ku noolaayeen xeryo qaxooti oo looga sameeyay gudaha Jamhuuriyadda Soomaali¬ya, iyo 800.000 ka mid ah qaxootigaas oo ku kala firidhsanaa waddanka gudihiisa iyagoo la noolaa qaraabadooda kale ee Soom¬aaliya.

Dhinaca kale waxaa dawladdii ku kacay saraakiil sare oo ka tirsanayd ciidamadii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya, arrin¬taas oo abuurtay xiisad gudaha milateriga dhexdiisa ah, hal¬kaasna lagu laayay rag badan oo kacdoomay. Waxaa halkaa ka sii dhashay mucaarad hubaysan oo doonayay inay ridaan dawladdii milateriga/Hantiwadaagga ahayd.

 Sababaha ugu Waaweyn ee Midawga Soofiyeed u Raacay Itoobiya

1.         Itoobiya waa dal ka weyn Soomaaliya

2.         Itoobiya waa dal ka tiro badan Soomaaliya

3.         Soomaaliya shuuciyadii way qaadan wayday oo waa Muslinimada

4.         Itoobiya way qaadatay oo Kiristan iyo cawaan ayey isugu jirtaa

5.         Ruushka iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya caqiido diimeed “Orthodox.”

Dhammaan qodobadan waxa toos looga soo xigtay Gen. Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne-ku-xigeen iyo Madaxii Hawlgalka Dagaalkii 1977-kii ilaa 1978-kii, mar uu warraysi siiyey Idaacadda BBC-da laanteeda Af-soomaaliga.

1.         Go’aankii Xidhiidhka Loogu Jaray Ruushka iyo Kuuba

Markii ay caddaatay in Midawgii Soofiyeed kaalmo millatari iyo ciidammo farabadan keenay dalka Itoobiya ayuu shir yeeeshay Golihii Dhexe ee xsibiga, wuxuu ka dooday in dhammaan xidhiidhka loo jaro midawga Soofiyeed, balse wuxuu go’aankii noqday in xidhhidhka loo jaro Ruushka iyo Kuuba, waxaana dalka ka baxay 6,000 (Lix kun) oo Ruush ah.

Qodobadii la isku raacay ee go’aanku noqday waxay ahaayeen:

2.         In la joojiyo ku dhaqankii heshiiskii hore ee Soomaaliya ula gashay Midawga Soofiyeed Sannadkii 1974-kii

3.         In la joojiyo dhammaan wixii kaalmo ahaa eee badda iyo cirka Soomaaliya uga fidin jirtay Midawgii Soofiyeed.

4.         Khubarada ciidammada iyo ta rayidka ah ee ka jooga Midawga Soofiyeed dalka waxay kaga baxeen muddo toddoba cisho gudahood ah.

5.         In safaarada Midawga Soofiyeet ee Muqdisho tirada shaqaalahooda la yareeyo, lana gaadhsiiyo tan Soomaalidu ku leedahay Midawga Soofiyeed.

6.         In Kuuba loo jaro xidhiidhka siyaasadeed, maadaamo dalkeedu keenay Itoobiya ciidammo gaadhaya 15 kun oo askari.

7.         In dhammaan shaqaalaha iyo dibloomaasiyiinta Kuuba dalka kaga baxaan 24 saacadood gudahood.

Dhammaan qodobadan waxa warbaahina u akhriyey Wasiirkii Warfaafinta ee Dawladda Soomaaliya oo waqtigaas uu ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

2.         Qalalaasihii Gudaha Itoobiya ka Jiray

Arrimihii u saamaxay inay Soomaaliya itoobiya weerarto waxa ugu weyna qalalaase ka jiray gudaha Itoobiya, kuwaas oo kala ahaa:

         Sannadihii 1972-1973 gobollada Wallo iyo Tigray waxa ku habsaday abaaro aan waxba ka tegin oo saameeyey guud ahaan iyo dhammaan gobolladas. Boqor Xayle Salaase ayaa isku dayey inuu daboolo, balse may dhicin, waxaana lagu qiyaasay inay ku dhinteen 200,000 (Laba boqol oo kun) oo qof.

         Sannadkii 1974 bishii January ciidammada Itoobiya waxay weerar ballaadhan ku qaadeen Eratariya si loo baabiiyo jabhadii gobonimo doonka ahayd ee Eratariya, balse waxaa six un loo jabiyey ciidankii Itoobiya. Jabkii ku dhacay ciidanka Itoobiya ayaa keenay kala daadasho dhinaca ciidanka ah.

          Sannadkii 1974-kii bishii March waxa mudaharaaday ururrada bulshada oo shaqaaluhu horkacayo, taasina waxay keentay shaqo joojin  ka dhacday goobo badan. Boqor Xayle Salaase oo da’diisu ahayd 83 jir ayaa awooddi kari waayey inuu la tacaalo dhibaatooyinka dalka ka socda.

          Dabayaaqadii 1974-kii ayaa la inqlibaabay Boqor Xayle Salaasa oo Mingiste Xayle Maryam ayaa taladii dalka Itoobiya la wareegay, kadib waxa sii laba jibaarmay qaskii iyo jah-wareerkii, waxaana Itoobiya isugu darsamay qas siyaasadeed, mid ciidan iyo abaaro ba’an.

          Kornayl Mingiste Xayle Maryan ayaa dil toogasho ah ku fuliyey 57 sarkaal oo ka mid ahaa kuwii inqilaabka la dhigay, si aanay kursiga Madaxweynaha ugu qabsan, intaas kadib Mingiste wuxuu noqday keligii taliye aan laga daba hadal.

          Golihii “Dergue” ee meesha qabsaday wuxuu tirtiray nidaamkii boqortooyadda ee Itoobya oo muddo dheer ka soo talinayey dalka.

          Horraantii 1975kii Mingiste wuxuu ku dhawaaqay Jamhuuriyadda Itoobiya oo uu isagu u yahay Madaxweyne.

          Horraanitii 1977-kii Mingiste wuxuu albaabada u xidhay saldhigii la odhan jiray “Kagnew” ee Casmara, waxaannu Itoobiya ka eryey 300 sarkaal Amrikaan ah, kuwaasoo ahaa khubaro millateri, markiiba waxa soo dhaweeyey arrintan Midawgii Soofiyeet oo u arkayey fursad dahabi ah oo ay kaga guulaysteen reer galbeedkii dagaalka qabaw ka dhaxeeyey. Madaxweynihii Maraykanka ee waqtigaas Mr. Jimmy Cartor oo ahaa Madaxweyne aan firfiroocnayn ayaan samayn wax ficil ah.

          Badhtamihii 1977-kii waxa guud ahaan Itoobiya ka socday kacdoon gudaha ah oo qoomiyad kasta ay guuxaysay, laakiin Mingiste ayaa xoog ku muquuniyey kacdoonkii gudaha, waxaannu amray ciidankiisa cidii ku kacda rabshad in la toogto.

Qallinkii

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Colaadihii Geeska………… Cali Cabdi Coomay

La soco………………………..