Midowga Yurub Oo Ka Shiraaya Xakamaynta Ajaanibka U Gudba Wadamadooda.

(SLT-Brussels) – Saraakiisha ilaalada xadka Midowga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Brussels si ay uga wadahadlaan sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo qulqulka ajanibka qaaradda Yurub.

eu

Kullankan, waxa uu dhacayaa iyadoo maanta lagu wado in dawalda Talyaanigu ay isu diyaari so inay ku wareejiso ilaalada badda Mediterranean-ka xoogag xadidan oo EU ah, kuwaasi oo xoogga saari doona ilaalinta xadaka halkii ay ka fulin lahaayeen baaris iyo badbaado.

Golaha qaxoontiga Yurub ayaa sheegay niyad ahaan ay qaladan tahay in laysku dayo in la duwomuhajiriin cusub iyadoo la ogolaanyo dad badan inay badda ku dhintaan.

Ugu yaraan sadax kun ayaa ku qaraqmay sanadkii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay gudbaan, waxayna ciidamada badda Talyaaniga ay badbaadiyeen boqol iyo konton kun oo kale.

Somalilandtoday/London/Office

Contact@somalilandtoday.com