Midawga Yurub Oo Ka Hor-yimid Xukunnada Qisaasta Ah Ee Diinta Islaamku Baneysay

 (SLT-Muqdisho) – Danjiraha Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa khudbad ka jeedinayay munaasabadda lagu xusayay maalinta Midowga Yurub iyo Caalamka ayaa sheegay inaanay aqbali karin in dalalka Afrika ka tirsan ay kasii socdaan dilalka deg-degta ah ee la marsiiyo dadka lagu helo dambiyada.

eu-flag

Michele d’Urso ayaa xusay in arrintaas ay tahay mid dalalka Afrika kusii yaraanaya, balse dalal ay ka mid tahay Somalia ay dhaqankaas dilal ciqaabeedka la soo dadajiyay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inayna aqbali karin arrintaas Midowga Yurub “Wax la aqbali karo maaha dilalka ciqaabta deg-degga ah ee Somalia ka jira, xilli dalalka Afrika intooda badan uu dhaqankan kasii dhamaanayo,” ayuu yidhi d’Uso oo intaas ku daray in dilkaas ay yihiin mid hoos u dhigaya in sharciga iyo kala dambeynta la hagaajiyo.
Sidoo kale, wakiilka ayaa ugu baaqay dowladda Somalia inay tallaabooyinka noocaas oo kale ah ee ay ku dhaqmaan maxkamadaha ciidamada dalka si dhaqso ah loo joojiyo.
Danjire d’Uso ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeyso qaraarkii kasoo baxay Qaramada Midoobay sannadkii 2012-kii oo lagu hakinayay dilalka ku saabsan ciqaabka deg-degga ah, kaasoo ay Somalia saxeexay, balse ayna ku dhaqmin, Qaraarkaas oo tilmaamaya in dalalka ay joojiyeen dilalka.
Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo beegay xilli ay maxkamadda ciidamadu toddobaadyadii la soo dhaafay xukunno dil toogasho ah ku ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno xidhiidh la lahaa Al-shabaab, inkastoo aan xukunnadaas weli lagu fulin.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday