Midawga Afrika Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Ciidamadda AMISOM Ee Ku Sugan Somalia.

(SLT-Muqdisho) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo kordhin u sameeyay howl galka AMISOM ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Muddo kordhintan ayaa dhigaya in Ciidamada AMISOM ay sii joogi karaan Soomaaliya illaa 31 bisha March ee sanadka 2018.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay inay indhaha ku hayaan mudadaas, oo la doonayo in ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan AMISOM.

Qorshaha joogitaanka AMISOM ayaa ku ekaa sanadka 2018, sida uu horay u go’aamiyay Golaha Ammaanka, waxaana la is weydiinayaa sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay in amniga dalka la wareegto.

Ciidamada AMISOM ayaa gaaraya illaa 22-kun askari oo ka kala socda illaa shan dal, waxaa uu howl galkan bilowday sanadkii 2007-dii, xilligaasoo ciidamadii u horeeyay ee Muqdisho ka soo degay ay ka socdeen dalka Uganda.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office