Maydka Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Kenya Loo Qaaday Iyo Shakiga Dhimashadiisa.

(SLT-Muqisho)-Allah ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Soomaaliya, Maxamed Xasan Ismaaciil, oo shalay si lama filaan ah neeftu u qabtay, kuna geeriyooday Cusbitaalka ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa meydkiisa loo duuliyay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.

download (2)
Dad lagu tuhmay in ay ku lug leeyihiin geerida Taliyaha oo tiradoodu kor u dhaaftay Afartan qof oo ay ku jiraan laba dhakhtar iyo shaqaale, ayaa loo qabqabtay geerida Taliyaha.

Shalay markii uu sida kadiska u dhintay Taliyuhu ayaa guddi wasiir ah oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya loo saaray in ay baadhitaan dheeraad ah ku soo sameeyaan tuhun laga qabo asbaabaha dhaliyay geerida Taliyaha.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@somlilandtoday.com