Maxkammadda Sare Ee Ciidammadda Oo Dil Ku Xukuntay Askarigii Dilay Taliyihii Saldhiga Arabsiyo

(SLT-Hargaysa)Maxkamadda sare ee ciidammadda Qaranka ayaa maanta xukun dil ah ku riday Mawliid Maxamed Suudi oo ahaa askarigii Booliska ahaa ee dilay Taliyihii Saldhiga Booliska degmadda Arabsiyo ee gobolka Gabiley Cabdi ismaaciil Cali 30-kii Bishii September 2014-kii.

9283

Sidaasna waxadaboolka ka qaaday Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Xasan Aadan Sugulle, waxaanu sheegay in maxkamaddu xukunkan dilka ah ee ay ku riday Ex-askari Boolis Mawliid Maxamed Suudi qodobadda 170 iyo 171 ee xeerka ciqaabta ciidamadda ee xaaladda nabadgelyo iyo 195 ee xeerka ciqaabta ciidamadda ee xaaladda nabadgeliyo ee ciidamadda oo lala akhriyo qodobka 434 ee xeerka ciqaabta guud.

Maxkammadda ciidamadda derjadda koowaad ayaa hore ugu xukuntay askarigan dil toogasho, waxaanay xukunka maxkammadda sare sii takiidinayaa xukunkaas hore.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.