Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo Bilowaday Dhegyasiga Dacwad la Xidhiidha Been Abuur ..

(SLT-Hargaysa)Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa bilwaday dhegeysiga dacwad ciqaab ah(criminal casse)oo xeer-ilaalintu ku soo oogtay Mr Cabdiwahaab Axmed Yaasiin Gabayxadi.

Astaant-Maxkamada

Maxkamada ayaa guda gashay dhegeysiga dacwadan maalintii khamiista 9/10/2014 ka dib markii xafiiska xeer-ilaalinta gobolku ku soo oogay Mr Cabdiwahaab Axmed Yaasiin eed ah inuu beeb-abuur (forgery) ku sameeyay dokomentiyo la xidhiidha heshiisyada shidaal baadhista ee Balooga Odweyne.

Maxkamada Gobolka ayaa hore u xidhay Mr Cabdiwahaab ka dib markii ay sidaa ka codsatay Qaybta Baadhista Denbiyada si loogu soo oogo dacwada uu ku eedaysan yahay.

Dhegeysiga Dacwadan ayaa ah mid dadweynaha u furan,isla markaana waxa la filayaa in fadhiyada danbe ee Maxkamadu maalmaha soo socda halkaa ka sii socon doonaan.

Waa markii ugu horeysay ee Maxkamadaha Dalka la hor keeno dacwad la xidhiidha eedayn been-abuur lagu sameeyay arimo ku saabsan heshiisyada shidaal baadhista ee Somaliland kula jirto shirkadaha Caalamiga ah.

Somalilandtoday./Hargaysa/Office.