“Maxamuud Xaashi Waa Nin Qabiilnimo Ku Cabaysan, Xirsi-na Bilaash Ayaynu Ku Maagaynaye Nin Balaadhan Ayuu Ahaa” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Hargeysa (Somalilandtoday)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, sidoo kalena ka mid ah xisbiga WADDANI ayaa dhaliilay wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo uu sheegay inuu yahay nin qabyaalad ku caan baxay isla markaana beegsanaya reero gaar ah.

 

warka afraad

Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlay taariikh uu sheegay inuu Maxamuud Xaashi Cabdi ka yaqaano ayaa xusay inuu wasiirkani qabyaali wayn ahaa markii uu golahooda ka tirsanaa, isagoo intaas raaciyey inuu fadhiid yahay, Siciid Cilmi Rooble oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Maxamuud Xaashi golaha ayaanu ku wada jirnay nin aan aqoon badan aqoon oo qabyaaladda yaqaana ayuu ahaa waa ninka odhan jiray inta uu liis soo samaystay ayuu odhan jiray intaas oo Subeer Awal ah agaasimayaal ah intaas oo Subeer Awal ah ayaa Wasiiro ah gollaha ayaan fadhiyay anigu markaa, horta ninka maanta Madaxtooyadda inoo joogaa waa ninkaa waa ninkaa ku cabaysnaa qabiil marka horeba waxaanan idiin sheegayaa coladaa markii horreba uurka ka jirtay ayuu maanta Madaxtooyadda la dhex fadhiistay, Xirsi bilaash ayaynu u maagaynay nin balaadhan ayuu ahaa oo wax kala wadayay oo waxbaa kala socday markaa”.

Halkan Hoose Ka DAAWO Hadalkii Xildhibaan Siciid Cilmi oo dhamaystiran.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com