Maxamed S. Cumar: Musharax La Isku Raacey Oo Burco Lagu Soo Bandhigay

(SLT-Burco) – Xaflad aad u agaasiman oo ka dhacday Hotel Deero ee Magaalada Burco ayaa lagu soo bandhigay Musharax Maxamed Saleebaan Cumar oo ah Aqoonyahan qallinkiisu tuf leeyahay oo u tartami doona Golaha Baarlamaanka Somaliland.

Musharaxan oo ay soo sharaxeen iskuna raaceen Beelaha Baho Axmed ee Gobolka Togdheer ayaa xaflada lagu shaacinayay waxa ka qayb galay, Xildhibaano,Cuqaal,Aqoonyahan,haween,dhalinyaro iyo dadwayane kale.

Musharax Maxamed Saleebaan Cumar oo ugu horayn halkaas ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi “Anigu dadkiina halkan fadhiya ayaan Geesi ku ahay oo abwaan Cali Sugule ayaa yidhi ‘Dadkaa geesi lagu yahay,’ waxaynu kaliya ee u baahanahay isku duubni iyo midnimo,Meelo badan oo Somalialnd ah baa laynaga taageersanyahay insha allaah waynu soo baxaynaa,Keenistaa iyo garashaadaas aad i keenteen waan idinku mahadnaqayaa,waxaan idiin keenayaa barnaamij hufan markay doorashadu gaadho,waxaanan idiinka balan qaadayaa inaanan noqon nin taga oo aan muuqan oo aydaan dib u arag. qaranka oo dhana xil baa inaga saaran,maantana ma noqonayso markii ugu horaysay ee aan cod idiin soo doonan doono ee Mustaqbal siyaasadeed baan leeyahay,waxaanan umada aqoonta iyo garshada u saaxiibka ah ka doonayaa inay Codkooda ugu hiiliyaan maskaxda caafimaadka qabta” ayuu kaga baxay musharuxu.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Basaale(Gaboobe) oo isna madashaas Xildhibaanka lagu soo bandhigay ka hadlay ayaa yidhi, Aqoonyahan Maxamed Saleebaan waa inan u qalma inuu isu soo sharaxo Golaha Baarlmaanka, waanan ku rajo waynahay inuu soo baxayo,Musharaxani waa nin degaan Hargaysa ah waxaanu u baahanyahay dedaal iyo duco.”.

Caaqil Cilmi Saleebaan Ducaale oo isna kelmado kooban halkaas ka sheegay ayaa yidhi. “waxaanu ku kalsoonahay inuu soo bixi doono MusharaxanI, waxaa soo xushay Beelaha Baho Axmed afar beelood oo ka mid ah, Go,aankana anakaa lahayn, waan ku taageersanahay iminkana waxba kala hadhi mayno.”

Sawirka Warka Musharaxa

Caaqil C/raxmaan Axmed Cawed, Caaqil Cismaan Saleebaan Diiriye, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Sahal Aadan Aqoonyahan Cismaan Xirsi Duuduu,Injineer Diiriye Sugaal, Kayse Yuusuf Cilmi iyo Xubno kale ayaa iyana dhamaantood tilmaamay musharaxani inuu yahay mid ku haboon xilkaas uu isuu soo sharaxay.