Maxamed Cabdillaahi Cumar “Mandaqada” Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Garabyadii Is Hayay Ee KULMIYE Mid La Saftay. By: ENG: ABDIRAZAK

Maxamed cabdillahi cumar wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha debeda Somaliland oo dhamaan waddanka looga yaqaan “Mandaqada” ayaa manta ku soo laabtay waddanka waxaa uu warbaahinta siiyey waxoogaa hadala oo hor dhac ah sida uu sheegay hadalka nuxurkiisan u dhigan doonyo shirka Kulmiye ee bisha 10 keeda qabsoomi doona, maxamed ayaa si qayaxan taageero uGu muujiyey garabka Muse bixi sheegayna in muuse Bisayl siyaasadeed dulqaad iyo jajabnaan sameeyey.

 00000000000

Waxaa uu sheegay in Madaxweynuhu cadaalad sameeyey wax kala eexasho ahna samayn dhamaan dadka tartamayana u dhex noqday, waxaa kale oo shegay in muuse xaq u leeyahay in uu ahaado musharaxa xisbiga kulmiye maadaama uu

illaa shirkii burco illaa kii golaha dhexe hargaysa isku fara saareen oo ragg shirka dhexdiisa lagaga cabaadiyey, waxaa uu yidhi waa ninkii waxaas oo dhan la soo halgamay xisbiga, maantana cid uga xaq lihi ma jirto ama kula loolami kartaa musharaxnimada.

Maxamed cumar “Mandaqada” ayaa waxaa uu hadal druid ah ama dardaar werin ah u diray wasiiradii xilka iska casilay isagoo sheegay in ay waddanka khal khal siyaasadeed geliyeen doonayeena in ay xisbiga bur buriyaan waan soo wada shaqaynay balse waxay ku kaceen khiyaano xisbiga dhexdiisa ah iyo mid dalka ah waxaa uu sii raaciyey in madaxweynuhu baadhitaan ku sameeyo wixii ay hanti lunsadeen isagoo aan la baadhin waqtigii laga eryey shaqada .

Maxamed cumar ayaan ka hadlin dhul gariirka siyaasadeed ee hada taagan ee waddanka haysta iyadoo madaxweynahu jahawareer ka haysto wasiirada cusub ee uu soo magacaabay iyo siday ula jaan qaaadi karaan sannad iyo badhkaa ka hadhay doorashada, iyo sida shaqadu u socon karto waayo si deg dega oo aan laga sii tabaabulshaysan ayay mar keliya xukuumadii dhamayd u dhacday waana ta keentay in madaxweynihii hada tallo ku cadaatay ama waagu ku beryo.

Waxaan ku soo gunaanadayaa waxay ahayd in maxamed cumar “Mandaqadu” dhex ka ahaado khilaafka siyaasadeed waxay kale oo ahayd in uu xaalada waddanku ku jiro uu si qoto dheer uga hadlo oo aanu dhinacna garabka saarin waayo maaha in aad godob xanbaarato raggan is casilay waxay isu casileen bay arkeen waxaana la yidhi ragg cadaalad waayey sidii cawsha kala yaac.

ENG: ABDIRAZAK YASSIN MAXAMED