Maxaad Kala Socotaa Xoghayayaashii Ukala Dan Beeyey Dawlada Hoose Ee Hargiesa Tan Iyo 2010kii W/qorey:-Jimcaale Osman Muhumed

Laga Soo Bilaabo Sanadkii 2010 Kii Ayaa Waxaa Dawlada Hoose Ee Hargiesa Loo Magacaabey Xoghayaal U Kala Danbeyey Oo Mid Waliba Muddo Gaara Joogey Dawlada Hoose Ee Hargiesa Hadaba Waxaa Mudooyinkii U Danbeyey Danbeyey Soo Shaac Baxeyey Khalif Hor Leh Oo La Sheegay Inuu U Dhaxeeyo Maayirka Caasimada Hargiesa Cabdirahmaan Mahamuud Caydiid Soltelko Iyo Xoghaye Cali Xassan Cawaale.

Khilaafkan Ayaa Waxaa Shaaca Ka Qaadey Xoghaye Cali Xassan Cawaale Oo Warbaahinta Kula Hadley Magaalada Hargiesa Waxaanu Xoghayuhu Sheegay Inuu Khilaaf Soo Kala Dhex Galey Isaga Iyo Maayirka Caasimada Hadaba Waxaa Itaasi Ka Dib Uu Xoghaye Cali Xasan Cawaale Si Isdaba Jooga U Adeegsadey Warbaahinta Inuu Soo Fadhisiyo Dhalinyaro Uu Soo Abaabuley Cuqaal Oo Intuba

Baaqyo Kala Duwan Hawada U Mariyey Madaxweynaha Inuu Wax Ka Qabto Khilaafka Uu Sheegay Cali Xassan Cawaale Waana Xogahayihii Ugu Horeyey Ee Adeegsada Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Waxaaney Arintani Imaneysaa Ka Dib Markii Xilkii Laga Qaadey,
Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Arimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin Oo Ahaa Masuulii Ka Danbeyey In La Magacaabo Xoghaye Cali Xasan Cawaale Kuna Ilaalin Jirey Booska Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargiesa Geesta Kale Mudadii Uu Joogey Dawlada Hoose Ee Hargiesa Xoghaye Cali Xasan Cawaale Oo Ah Muddo 7 Bilood Ku Dhaw Ayaa Waxaaney Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Hargiesa Qaadan Mushahar Muddo Dhan 3 Bilood Oo Ay Ku Jiraan Ciidamada Dabdamiska Oo Ah Ciidamo Hadh Iyo Habeenba Heegan Ugu Jira Bad Baadinta Dabka Ka Kaca Qeybaha Kala Duwan Ee Dalka

Arimahan Ayaa Waxaay Soo Shaac Baxeen Ka Dib Markii La Sheegay In La Badelayo Xoghaye Cali Xasan Cawaale Waxaaney Dadka Faaleeya Arimahan Sheegayaan In Uu Rabo In La Daayo Oo Uu Sii Shaqeeyo

Halkan Waxaanu Idiinku Soo Gudbin Doonaa Magacyada Xoghayayaashii Soo Marey Dawlada Hoose Ee Hargiesa Waxaaney Ahaayeen Dhammantood Kuwo Ku Suntan Shaqo Wanaag Iyaga Oo Aaney Marna Isku Dhicin Maayaradii Kala Duwanaa Ee Soo Marey Dawlada Hoose Ee Hargiesa

1-Deeq Xirsi Canbuur alle haw naxariisto

2- Mawliid Waris Cabdilaaahi

3- Ibraahim Axmed Raabi

4 –Ahmed Darajo

5- Mawliid Kayse Muhumed Qaro

6- Cali Xasan Cawaale

W/qorey:-Jimcaale Osman Muhumed