Maxaad kala Socota Xogta Kulmiyaha Meteleya Kormeerayasha Doorashada By Mohamed A Kahin

Maxaad kala Socota Xogta Kulmiyaha Meteleya Kormeerayasha Doorashada By Mohamed A Kahin  Asc marka hore waxaan aad u salamayaa dhamaanba shacabka Somiland meel kasta oo ay jogaan waxaanan ilahay ka baryaya in doorshada madaxtinimadu ay inoogu qabsoonto si nabadgelyo iyo dimuqraadiyadu ku jirto.

Marka xiga waxaan uga digayaa qaranka iyo komishanka doorashooyinka Somaliland Iney jiraan dad iskood isu wadda oo iyadoo aaney jirin cid ay wakiil kayihiin iyo dawlad Europe ah o soo wakiilatey ay ka soo degi doonaan amaba ay hada ku sugenyihiin Somaliland dadkaasi maaha dad mateli kara noqona kara indha indheyayaal caalami ah (international observer’s) maaha dad dhexdhexaada mana heystaan kalsoonida iyo ogolaansha Dalalka ay leeyihiin wey kayimaadeen hadey tahey England iyo hadey tahey Finland intaba.