Maxaad Ka Taqaanaa Saameynta Yuhuuda Ee Siyaasada Iyo Dhaqaalaha Dunida?

(SLT-Hargaysa)-Shakhsiyaadka sida weyn dunida uga caanka ah ee ka soo jeeda qoomiyada Yuhuuda waxaa kale oo ka mid ah.

Ronald Lauder Madaxweynaha kulanka Yuhuuda,Larry Ellison waxa uu leeyahay shirkada labaad ee ugu weyn dhinaca sameynta Softweerada,Ruth Arnon Khabiir caan ah oo dhinaca cilmiga Bio-Chemistry-ga.

Elie Wiesel, qoraa weyn oo lagu sheegay in uu yahay qofkii ugu danbeeyay ee nool isaga oo ka badbaaday xasuuqii Hitler (Holocaust) waxaana uu ku guuleystay bilada Nobel peace Prizeka, Steven Spielberg filim sameeye caan ah,Rabbi Jonathan Sacks madaxa wadaada Yuhuuda ee Ingiriiska.

Jeff Zucker Agaasimaha Telefishinka NBC ee caalamiga ah, Joseph Liaberman xildhibaan Maraykan ah oo si weyn ugu dooda Yuhuuda,Eric Cantor xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka.

Haim Saban waa madaxa qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka iyo maalqabeen weyn,Jeremy Ben Ami madaxa urur xakjir oo Yuhuudu ay leedahay oo Maraykanka ka dhisan,Shari Arison waa ninka iska leh bangiga Hapoalim, Simone Veil siyaasi Faransiis ah oo caan ah.

 download-13

 

Irving Moskowitz, maalqabeen Maraykan ah oo caawimo ka geysta dib u dejinta Yuhuuda ee Bariga Dhexe, Gill Marcus,waxay hore ugu doodijirtay xisbiga ANC iminkana waxay tahay madaxa bangiga South African Reserve Bank iyada oo ah gabadhii ugu horeysay ee jagadan qabta.

Bernard Henri Levy falsafad yaqaan Faransiis ah, Bob Dylan waa fanaan caan ah,Roman Abramovitch maalgashada iyo ninka iska leh Chelsea, kalaabka caanka ah ee ciyaaraha oo ay xiiseeyaan in badan oo ka mid ah dadka jecel ciyaaraha kubada cagta ee dunida.
Sacha Baron Cohen, waa nin caan ku ah xaraabeynta ama majaajilada hadalka ah ,Lucian Freud waa khabiir dhinaca farshaxanka ah , Omri Casspi waa ciyaariyahan ka ciyaara NBA-da Maraykanka.

Shakhsiyaadka aynu ku soo qaadanay qormooyinkeenan waxay ka mid yihiin dadka Yuhuuda ah ee ugu caansan dunida,waaxana ay ku kala noolyihiin dhamaan qaaradaha dunida iyada oo saameyntooduna ay meelkasta taalo, sababta aanu u soo qaadayna waxa ay tahay in aan dadka u soo bandhigno in ay adagtahay in wakhtigan casriga ah la isku haleeyo warbaahinta dunida iyo siyaasada casrigan dunida isku haysa oo si dadban iyo si toos ahba ugu xaglisa Yuhuuda sababo badan awgood.

Marka dhinacyo badan laga eego warbaahinta waaweyn ee dunida 10kii sano ee ugu danbeeyay waxaa aad u sii korodhay dacaayada ay ka faafineyso dadka dhibaatooyinku ay haystaan ee ku nool qaaradaha Afrika iyo Asia oo ay ku noolyihiin dadka dunida ugu faqiirsan , qaaradahanina waa kuwa dunidu ugu qanisan waxaana ay soo saaraan batroolka dunida, wax soo saarka khudrada iyo macdanta ugu badan ee dunida laga isticmaali.

Marar farabadan Yuhuuda waxa lagu eedeeyaa in ay iyadu ka danbeyso colaadaha ka taagan qaybo badan oo dunida ka mid ah, iyada marar badan la arkay in warbaahinta dunidu ay horseedo ama gacan ka siiso dalalka waaweyn in ay qaadaan weeraro ay ku qabsanayaan dalalka yar yar oo tusaale loogu soo qaadan karo duulaankii Ciraaq.

Duulaankan waxaa si weyn gacan u siisay warbaahinta dunida gaar ahaan kuwa reer-Galbeedka oo iyagu si joogta ah u sheegayay in ay dawlada Ciraaq haysato hubka sida xun wax u gumaada si bulshooyinka dalalka ciidankoodu duulaanka qaadayo ay taageeradooda ugu muujiyaan go’aamada madaxda dalalkooda.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday