Maxaad Ka Taqaana Wariyaha Ruug Cadaaga Ah Ee Siciid Cali Muuse.

(SLT-Hargaysa)Saciid Cali Muuse, ayaa Golaha Guurtidu u magcaabeen in uu ka mid noqdo Guddiga Doorashootyinka Qaranka Somaliland. Labada xubnood ee Guurtida ayaa Salaasadii toddobaadkii hore loo gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), si loogu daro xubnaha kale ee shanta ah ee kala imanaya labada Xisbi Mucaarad oo min hal xubin ah iyo Madaxweynaha oo saddex Xubnood magacaaba.

Siciid-Cali-Muuse

 

Waxa uu Siciid Cali Muuse ka mid noqday Xilda Xubnood ee Madaxweyne Siilaanyo Isniintii toddobaadkan uu Liiska Magacyadooda u gudbiyey Golaha Wakiillada Somaliland oo Sharciyan awood u leh inay ansixiyaan toddobada Xubnood ee Guddiga doorashooyinka iyo inay dib u celin karaan-ba.

Haddaba, Saciid Cali Muuse, waa qof caynkee ah? Maxaa-se lagu xushay?. Waxaan shaki ku jirin in Soomaalida badankoodu Siciid ku barteen in uu ahaa Weriye Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ka shaqaynayey muddo badan.

Hase-yeeshee, Siciid wuxuu Tacliintiisa ka bilaabay magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Dugsiga Dhexe wuxuu ka baxay Dayaxa, oo ku yaaalla meel u dhow magaalada Ceerigaabo. Dugsiga Sare wuxuu ka galay Camuud ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Shaqada wuxuu ka bilaabay magaalada Muqdishu, oo uu Macallin Dugsi Dhexe ka noqday, markii dambena wuxuu galay Jaamacadda Lafoole. Wuxuu wax ka dhigay Dugsigii Tababarka Macallimiinta ee Xalane oo maadada Biology ka dhigi jirey. Wuxuu kaloo wax ka dhigay Dugsiyada Sare ee Xamar.

Mudo ka bacdi ayuu ku wareegay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkii Soomaaliya, dabadeedna waxa waxbarasho gaaban loogu diray dalka Denmark, oo uu ku bartay Cudurka Bilharziyada ama Kaadi-dhiigga, sannadkii 1982-kii. Hase-yeeshee, dalka Soomaaliya ayuu ka goostay Waxbarasagda ka bacdi wuxuu ka shaqeeyey dalka Sucuudi Arabia muddo lix sannadood ah.

Sannadkii 1989-kii, ayaa isagoo magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga jooga BBC loo qaatay, isagoo ka shaqyanayey muddo 20 sannadood ah. Waxa lagu xusuustaa Waraysiyo iyo Barnaamijyo xiiso leh oo uu samayn jirey sida Cawayska Sabtida oo caan noqday.

Laakiin, dad badan waxay Siciid Cali Muuse ku xusuustaan Ciyaaraha, oo uu aad uga warrami jirey, isagoo ka soo tebin-jirey Qaaradda Africa sida Burkina Faso, Masar iyo dalka Ghana.

Dhawr waddan ayuu doorashooyinka ka soo warramay sida Kenya, Djibouti, Iran iyo Kenya, iyo tii 2004 lagu doortay Madaxweynihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Wuxuu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ka gaadhay Soosaare Sare.

Hase-ahaatee, 2010-kii ayuu BBC ka tegay oo ka mid noqday Qaramada Midoobay, gaar ahaan tan dalka Sudan-ta Koonfureed ee gobolka Darfur oo muddo 2 sannadood ah Madax ka ahaa Idaacadda Qaramada Midoobay (UN) ee Darfur.

Hadda Saciid Cali Muuse wuxuu ahaa Agaasimaha Warbaahinta ama Communication-ka ee Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Somaliland iyo Afhayeenka- Wasaaraddaas-ba.

Waa nin leh Khibrad weyn oo uu ku Maamule kara Hay’adda hadda loo magcaabay ee Guddiga Doorashooyinka Qaranaka, isagoo ah nin aad loo qadderiyo oo furfuran, isla markaana Kaftan badan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.