Maxaad Ka Ogtahay Samaynta Ay Yuhuudu Ku Leedahay War Baahinta Iyo Lacagta Adduunka?. Warbixin.

(SLT-Hargaysa)-Marka aad waxbadan ka akhrido qaabka casriga ah ee nolosha dunida iyo warbaahinta waaweyn ee caalamka waxaad si weyn u dareemi kartaa in maamulka warbaahinta,baananka iyo sidoo kale goobaha kale ee muhiimka u ah wadaxidhiidhka dunida ay gacanta ugu jiraan shakhsiyaad Yuhuud ah.

Warbaahinta dunida ee ay Yuhuudu maamusho ayaa si weyn uga sheekeysa weerar lagu qaado Israaiil, xasuuqii uu Hitler u geystay Yuhuuda ,gantaalaha xamaas ee ay ku garaaceyso Israaiil, Nukliyeerka Iiraan ,fakhriga ay ku noolyihiin in badan oo ka mid ah bulshooyinka Yuhuuda iyo sidoo kale bulshooyinka Yuhuuda ee ku barakacay dagaaladii ay la galeen Islaamka ee iyagu ku dhexmilmay bulshooyinka kale.

Wararkan iyo qaabka ay warbaahintani wax u tebiso ayaa gebi ahaanba ah nidaam aan waafaqsaneyn shuruucda iyo anshaxa warbaahinta waxaana ay iska indho tiraan tacadiyada Yuhuudu ay u geysato dadka muslimiinta ah ee Reer-Falastiin iyo sidoo kale xasuuqa ba’an ee Israaiiliyiinta ay markasta ka geystaan Qaza.

Tani waxay muujineysaa sida Yuhuudu ay gebi ahaanba gacanta ugu dhigtay maamulka warbaahinta iyo sidoo kale lacagta dunida iyada oo hogaamiyayaasha dalalka waaweyn ee dunidu ay iska ilaaliyaan in ay iska horyimaadaan hogaamiyayaasha Yuhuuda.

Sheekadan waxaan ku soo qaadan doonaa 50 qof ee Yuhuuda ah ee dunida ugu saameynta badan.

1.Binyamin Netanyahu oo ah Raiisul Wasaaraha Yuhuuda ee xiligan, waa Raisul Wasaarihii ugu horeeyay ee soo mara dawlada Yuhuuda ee fadhigeedu yahay dhulka reer-Falastiin ee dhashay ka dib dib u aas-aasidii dawladnimada Yuhuuda.

Waxa uu Netanyahu sheegay in uu yareyn doono degsiimooyinka ay yuhuudu ka dhisaneyso dhulka Falastiiniyiinta ee xooga lagu haysto , waxaana uu markasta balanqaadaa in wadahadalo midhadhal ah uu la yeelan doono Falastiiniyiinta si loo soo gabagabeeyo colaada mudada ka oogneyd gobolka bariga dhexe.

2.Ben Bernanke oo ah madaxa ciidanka keydka ee Maraykanka, waxaana hawshiisa si weyn u bogaadiyay madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Shakhsiyaadka kale ee Yuhuuda ah ee sida weyn caanka u ah waxaa ka mid ah Ralun Emanuel oo ah madaxa hawlaha Aqalka Cad ee Maraykanka, Sergey Bin waa aasaasaha shirkada Google , Shai Agassi waa nin hantiile weyn ah oo leh shirkado ganacsi oo aad u farabadan.

 

Dominique Straus-Khan madixii hore ee hay’ada lacagta aduunka, Simon Peres  waa Madaxweynaha Israaiil,David Axelrod waa la taliye sare oo Aqalka Cad hore uuga soo shaqeeyay.

Alam Dershoitz waa sharciyaqaan caalami ah oo Israaiil u dooda,Elena Kagan musharax hore oo isu soo taagay xilka maxkamada sare ee Maraykanka , Alan Solow waa gudoomiyaha kulanka madaxda ururada Yuhuuda.

download (1)
Ehud Barak,wasiir difacii hore ee Yuhuuda, Irwin Cotler Xildhibaan baarlamanka Kanada ka tirsan iyo sidoo kale u doode xuquuqda aadamaha, Michael Bloomberg oo ah Maayarka Magaalada New York, Bernard Koucher ,Wasiir Arimo Dibadeed hore oo Faransiiska soo maray.

Gabi Ashkenazi Taliyaha hubka iyo saadka ee ciidanka difaaca ee Yuhuuda, Stanley Fischer madaxa bangiga Israaiil, Avigdor Lieberman wasiir Arimo Dibadeed hore oo Yuhuudi ah.

Sheldon Adelson, hantiile weyn iyo sidoo kale nin ka shaqeeya hawlaha gargaarida dadka aan wax haysan,Dorit Beinisch madaxa maxkamada sare ee Yuhuuda,Natan Sharansky madaxa hay’ada Yuhuuda,Rut Bader Ginsburg,madixii maxkamada sare ee cadaalada ee Maraykanka.

Mark Zuckerberg , aas-aasaha Facebook-ga,26 jirkan oo 5 sano ka hor aas-aasay bogan ay bulshadu kuwada xidhiidho xili uu ku jiray jaamacada Havard isaga oo iminka ka mid maalqabeenada dunida ugu caansan, Steve Ballmer Agaasimaha shirkada Microsoft ayaa isna sidoo kale ka soo jeeda qoomiyada Yuhuuda.

Moshe Kantor madaxweynaha ururka Yuhuuda Yurub ku dhaqan, Michael Steinhardt maalgashade caan ah,Mortimer Zuckerman madaxa qaar ka mid ah warbaahinta maraykanka oo sidoo kale ah maalqabeen weyn.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday