Maxaa Kala Qabsaday Makaxmada Danbiyada Ee ICC Iyo Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee hor-taga Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ee Hague, ka dib markii uu maanta hor-tegay Maxkamaddaas oo ay Dhegaysiga Dacwaddiisu Arbacada Maanta si rasmi ah uga bilaabantay.

    _70831428_70831088

Madaxweynaha Kenya, ayaa sii wareejiyey xilka Madaxweyne-nimada, isla markaana ku wareejiyey ku-xigeenkiisa, waxaana Maxkamaddan uu hortegay maanta ula dhaqantay sidii qof shaqsi ah, iyadoo aanay Maxkamaddu siinnin wax ixtiraam Madaxweyne-nimo ah, waxaana laga reebay oo dibedda joogay inta badan boqollaal Taageerayaashiisa ka tirsana oo ka kala tegay dalka Kenya iyo waddamada Yurub si ay uga qaybgalaan dhegaysiga Dacwadda Madaxweynahooda.

Dacwada loo haysto Kenyatta ayaa ah shan dacwadood oo la xiriira gacantii uu ku lahaa rabshado dalkaas ka dhacay sannadihii 2007 iyo 2008, xilligaas oo lagu murmay doorashooyinkii madaxweynenimada ee dalkaas ka dhacay.

Bannaanka dhismaha maxkamadda ICC ee Hague ayaa waxaa soo buuxiyay dadweyne Kenyan ah oo aad u fara badan oo taageeraya Kenyatta, kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen; ‘Waxaa la joogaa xilligii ay shacabka Kenya u midoobi lahaayeen sidii ay u baari lahaayeen halka uu dalku marayo iyo halka uu madaxweynihii dalku joogo.

Madaxweynaha Kenya oo la hadlayay taageerayaashiisa ayaa u sheegay in shacabka Kenya ay yihiin kuwa go’aan ka gaari kara jihada uu dalkoodu u soconayo. Isagoo dadweynihii halkaas ku sugnaa u sheegay inuu halkan u yimid inuu dhageysto dacwooyinka loo haysto uuna dalkii dib ugu laabanayo kana shaqeyn doono horumarintiisa.

Haweeneyda dacwad-oogaha ka ah maxkamadda ICC, Fatou Bensounda ayaa sheegay in sagaal qof ay ka marag-kaceen inuu xiriir la leeyahay koox lagu magacaabo Mungiki, sidoo kalena uu ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay magaalada Naivasha kaddib doorashadii sannadkii 2007-kii illaa 2008-kii.

“Xaqiiqo kasta oo ku saabsan dacwada oo lagu sheego taleefoon weli waa mid furan. Haddiise xukuumadda Kenya ay si dhab ah noola shaqeyn lahayd waa la heli karay wax walba oo dukumiinti ah,”ayay tiri Bensouda.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa ugu baaqday maxkamadda inay ka hadasho wada-shaqeyn la’aanta dowladda Kenya iyo maxkamadda, isla markaana la hubiyaan inaan la tuurin dukumiintiyada la xiriira dacwadahan.

Qareenka u doodaya dhibbanayaasha, Fargal Gaynor ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay qaateen go’aan ay ku doonayaan inay dacwadaha Uhuru Kenytta iyo William Ruto ku baabi’iyaan. Isagoo dalbaday in dacawaddan loo haysto Kenyatta cadaalad dhab ah la mariyo.

“Haddii dacwaddan la joojiyo, taasi waxay ku qasbaysaa dadkii dhibaatada loo geystay inay bixiyaan dhaqaale walba si ay cadaaladda u hortagaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaynor oo isweydiiyay su’aal ahayd. “Dadkii uu dhibku gaaray waxay xaq u leeyihiin in markhaatiga ay yimaadaan iyagoo aan wax baqdin ah qabin. Waxaase isweydiin leh waa maxay sababta loo cabsi-gelinayo?’.”

Gaynor ayaa ku dooday in kiiska taleefoon oo keliya lagu xalliyo inaysan ka dhigayn mid cadaalad ah, isagoo xusay in dukumiintiyada ay dacwaddan u yihiin halbowle, isagoo sheegay in lambarro la siin karo dad gaar ah si ay u beeniyaan eedeymaha.

Dhanka kale, qareenka difaacaya Kenyatta, Steven Kay ayaa isna sheegay inaysan jirin cid lambar la siiyay, taasina ay tahay mid meel ka dhac ah oo aan dhab ahayn. “Innagu waan ogol nahay in markhaatiyaashu ay yimaadaan si ay u furaan markhaatigooda mana jirto cid aan u diidayno,” ayuu hadalkiisa ku daray qareenka difaacaya Kenyatta.

Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee dal Madax-bannaan oo dunida ka tirsan Madaxweyne isagoo ka ah hor-taga Maxkamadda dembiyada Caalamiga ah ee ICC ee Magaalada Hague ee waddanka Netherland, oo lagu tilmaamo Maxkamad marka hab-dhaqankeeda loo eego si gaar ah u bartilmaameedsata ama u daba-gasha Madaxda waddamada Afrikaanka ah oo keliya.