Maxaa Inagala Gudboon Arrinta Maamulka Hawadda…W/Q Liibaan Ismaaciil Buraale

Haya’dda duulimaadyada caalamiga ee loo soo gaabiyo (ICAO) maamulida ay gacanta ku haysay hawada duulimaadka dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya burburkii dabadii waxa ay ku timid qaraar ay golaha amaanka ee qaramada midoobay go’aamiyeen sanadkii 4/11/1994. Go’aankaas oo ahaa qaraarka tirsigiisu ahaa ( Resolution 954) isla markaana xambaarsanaa in ciidamadii nabad ilaalinta ee la odhan jiray (UNOSOM) qaybtoodii labaad mudadii hawlgalkooda loo kordhiyo muddo dhawr bilood ah, in gargaarka la xoojiyo iyo maamulka hawada loo dhiibo haya’dda duulimaadyada caalamiga ah iyada oo golaha amaanku ka duulayo xasilooni daradda ka jirta dalka iyo nabad la’aanta.

Marka haddaba imika aynu u soo noqono arrinta ah in hawadii maamulkeeda Muqdisho lagu soo celinayay horta maaha in guud ahaan lagu soo wareejiyay balse waa hordhaca iyo isu diyaarinta sidii loo carbin lahaa xarunta iyo dadkii farsamo ee maamuli lahaa waxaanay taasi ku timid galaangal badan oo madaxdii wasaaradda duulista xamar isaga dambaysay ay sameeyeen.
Wada hadaladii Soomaliland iyo Soomaaliya ee dalka Turkiga ka qabsoomay sanadihii July- 2013 iyo January-2014-kii waxa lagu heshiiyay in xarunta maamulida hawadda laga sameeyo Soomaaliland labada dhinacna ay dhisaan gudi farsamo oo isku dhaf ah sidaas darteed arrintan imika soo baxday ee ka gudubtay heshiiskii marka aynu darisno Soomaliland waxa kala gudboon dhawr qodob maadaama ay taariikhdaas iyo sumadaas leedahay qadiyada maamulka hawaddu.

1. Maadaama markii hawada Soomaaliya lagu wareejinayay ICAO ay ku timid qaraar ay golaha amaanku go’aamiyeen nabad la’aan darteed imikana aanu go’aankii golaha amaanka ka soo bixin qaraar wareejin ah isla markaana nabad galyo ka jirin muqdisho heshiis labada dhinac ee hawada ka dhaxaysaana uu dhacay waxa la gudboon Soomaaliland in ay si sharci ah oo waafaqsan heshiiskii labada dhinac iyo qaraarkaas hore ee golaha amaanka ah in ay ICAO ula garnaqsato talaabadaasi sharciga baal marsana xujo sharci iyo dhan amaan ba ka tusto.

2. Wadamadda dariska, Gobalka iyo kuwa caalamiga ee daneeya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya in loo qoro garnaqsi dibloomasiyadeed oo lagu lifaaqayo burinta heshiisyadii la galay iyo cidhibta ay mandaqada ku yeelanayso is aaminaad la’aanta qoto dheeraanaysa.
3. In Somaliland daristo oo dhinacyo badan oo diblomaasiyadeed ay arrintan kaga jawaabayso si dadbana u taabanaysa Soomaaliya.
4. In Soomaliland dhisto unug xoogan oo shuruuc ahaan mid caalami ah iyo mid maxaliya ba isla markaana arrimaha innagu xeeran ee tan hawadda iyo kuwa kale ba midka yihiin si sharci u lafa gura oo u saadaaliya kuwaas oo ay ku jiraan sharciyaqaano arrimaha duulimaadyada iyo hawadda ku tukhasusay.
5. In hanaankii wada hadalada loo galay ee labada dhinac si qoto dheer dib loogu eego oo meesha lagu galayo iyo cida dhex dhexaadinaysana la qiimeeyo sida ay labada dhinac ba ugu ilaalin karto wixii lagu heshiiyo, Isla markaana wada hadalada dambe aan lagu degdegin ilaa qadiyada hawadda meel sugan la dhigo.

Liibaan Ismaaciil Buraale.