Maxaa Iiga Baxay Dooda Khaalid Iyo Cabdinaasir ….Qalinkii: Maxamed Shuceyb

Rabaw eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin

Guud ahaan waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka (asc wr wb) bacda salaan waxaan jeclahay oo aan qalinka u qaatay inaan ka garsooro hal gorfeyn iyo falcelintii qoraagii buuggaasi uu ka sameeyey oo aan akhriyey kuna saabsana dhaliisha iyo khaladaadka ama gefefka qoraal ee ku jira dhiganaha“Masraxa Cadaabta’ ee uu inala wadaagay walaalkeen Cabdinaasir Axmed Ibraahin oo ah qoraa soo saarey saddex dhigane oo hore oo dabacaad galay.

Intaasi ka dib aayaan isku deyi iniguna aragtideyda in aan dul istaagi doona meelo badan oo ku saabsan aragtiyahaasi. Labada qoraa oo aan milgo iyo maamuus badan u hayo ayaa kala ahCabdinasir Axmed Ibraahin oo qoraha buugga ah iyo qoraaga da’da yar oo isagana la yidhaahdo Khaalid Jaamac Qodax oo inala wadaagey gorfeyn uu buuggaasi u sameeyey.

Hadaba aniga oo aan weli dhiganahani gacantayda soo gelin ayaa waxaan jeclaystay inaan ka garsooro wixii aragtidayda ah ee aan ka fahmay labadan qoraal ee ay inala wadaageen qoraaga Khaalid iyo qoraa Cabdinasir oo keli ah, aniga oo aan ku koobnaan doona oo qudha labada qoraal. Haddaba akhristaha waxaan ka codsanayaa in uu ii fahmo uun inaan ka garnaqaayo labadaasi qoraa ee ujeedadeydu aaney aheyn inaan buugga wax ka sheego ama labada qoraa.

Kolka dhigane la qorayo ha ahaado mid soo werinaya dhacdo dhab ah ama mid mala awaal tabinayaba waxaynu ogsoonahay in soo saarida iyo qorida dhiganayaasha lagala kulmo hawl adag oo waqti u baahan arintaasina waan ku hambalyeynayaa qoraha buuga.

Waa sida cilmi baadhista ay sameeyaan saynisyahanku ee mudada badan tijaabada iyo ka warhaynta lagu hayo haddii inyar oo ka mid ah tijaabooyinkaasi khaldamaana ay hawshu noqonayso bar kuma taal ama dib u soo yagleel

Waxa muhiim ah marka aad u hub qaadato inaad wax curiso qoraal ama soo kordhinta wax cusub inaad leedahay hibadeeda heshana qof ama cid kaa caawiso saxida iyo hagaajintaba.

Waxaan hambalyeynayaa cid kasta oo ku dhiirata inay wax qorto umaddana wax la wadaagto, waxaanan leeyahay cid wal oo waxaan caqliga iyo garashada umada la jaanqadayn soo qortana leeyahay talo badan baa idinka gedmane wax isku geygeysta oo waayo araga wax weydiiya.

Aan u soo noqdo dulucda qoraalkaygan iyo inaan is barbar dhigo wixii iga baxay qoraaladii ay inala wadageen qorayaasheenu aynu ku horeynana Khaalid Jaamac

Khaalid waxa uu inala wadaagay farshaxanimo cusub oo ka duwan sidii aynu uga baranay gorfeynihii hore ee aynu arki jirney, qoraa Khaalid waxa uu erey erey inoo taabsiiyey khaladaadka iyo gefefka weedh ahaaneed ee ku jira dhiganahan sidoo kale waxa uu si guud iyo gaar ahba u dhex galay shanta sheeko ee uu gudbinayo dhiganahan uu qorey Cabdinaasir, isaga oo ka soo haadiyey gefef badan oo laf jab ku ah mihnada qoraalka.

Khaalid waxa uu ina tusay arimo badan oo qoraagu ka gaabiyey inuu araarta buugiisa ku soo bandhigo sida isagoon qoraagu marnaba inala wadaagin in sheekoyinkani yihiin mala awaal hadana ay noqdeen kuwo silan sugan ah oo qoraaga laftiisuba mid ka mid ah sheekada uu qayb ka yahay.

Khaalid waxa kale oo uu si dadban inoo dareensiiyey heerka farshaxan iyo halabuurnimada liidata ee dhinaca mala awaalka ee u isticmaalay Cabdinaasir

Khaalid waxa uu ka garaabay baaxada ay leedahay in wax la qoraa oo aanay ahayn wax fudud in fikir inta la halabuuro hadana qalin lagu bedelo isagoo taa aaminsan wuu ku amanay qoraagu inuu dhiiraday oo soo saarey saddex dhigane, haddana qoraa Khaalid waxa uu si nasteex ah ama lexo jeclo leh u dareensiiyey qoraaga inuu dib isugu noqdo garwaaqsadana khaladaadka iyo gefefka qoraal ee ku soo gudbiyey dhiganihiisa ka kooban 140 bog sida ku cad qoraalka Khaalid

Anigoo aad ula dhacsan sida farshaxamada lahayd ee uu qoraa Khaalid u soo bandhigay wixii uu ka soo haadiyey dhiganaha Masraxa Cadaabta ayaa waxaan arkay isna qoraal kale oo jawaab u ah oo uu inala wadaagay qoraha dhiganahan Cabdinaasir Axmed isagoo ku difaacaya buuggii uu qorey.

Qoraa cabdinaasir hawl buu galay oo waxa uu holaday inuu badaha qoraalka ku soo kordhiyo buugaag uu qorey oo dhiganahani ku noqonayo kii sii saddexaad, hadaba waxa is weydiin leh Cabdinaasir dhiganahan uu hor keenay dadweynaha kolay in laga fal celiyo diyaar buu u ahaaye maxaa gocashada keenay imika? Maxaa gubey sawkii isagu wax gorfeyn jirey?

Cabdinaasir difaacisan haddii aad dheehato marnaba ma aanu meel saarin khaladaadka loo tilmaamay ee ka muuqda buugiisa se waxa uu isku xukumay in Khaalid shaqsi weerar ku yahay kuna haysto mabda kala duwanaanshaha siyaasiga ah ee bulsho walba rayi ahaan ku kala duwan tahay. Halkan waxa iiga cadaatey maahmaahdi ahayd “Hal geelaha diideysaa geed ay ku xoqoto ma weydo”, marnaba Khaalid kama hadal arrin siyaasadeed, maxaa keeney markaasi in Cabdinaasir uu sheego arrintaasi. Iyaga oo ku kala aragti duwan meelo badan waxa keliya ee isku keeney waa buugga inta laga yidhi iyo jawaabtiisa, wey hoos martey taasi Cabdinaasir.

Cabdinaasir ma aanu tilmaamin wixii ay u dhaceen ama dhaliyey in khaladka tiradaa leeg laga soo xulo dhiganihii uu dadweynaha la wadaagay waxaanu aragtidayda jeclaystay in loo sacabo tumo ase aan la tilmaamin, taasina waxay gef iyo niyad jabin ku tahay dadweynihii akhristay dhiganahan ee intooda badani khaladkaa Khaalid u soo ururiyey isha qac ku siiyey se cid gaadhsiisa ama u hadasha la’aa

Dib ayaan u carinayaa Cabdinaasir haddii uu qoraa yahay’e car ha ka jawaabo ama ha diido arimaha uu ka hadley Khaalid ee kala duwanaa? Haddii aan xasuusiyo waxa uu ka hadley Khaalid ereyada xaga higaadda ah, miyuu ku diidey misa waa uu ku raacey? Sumada geela iyo sumada buugaaga teed qaadatey, waadiga diidey ISBN-kiiye? Gefefka buugga ee Khaalid sheegey jawaab miyey u tahay xayayskiisa buuga laga qorey ee laga yidhi? Waxa uu ka hadley ereyada xariijinta la kala dhex galinaayo, miyuu ku diidey misa waa uu ku raacey? Ereyo badan ayuu taxay Khaalid oo khaldan miyuu ku diidey misa waa uu qaatey? Waxa uu ka hadley inaanu buuggu laheyn arimahan hoose ee car bal ku diid ama ka garaw?

1. Hordhac

2. Copryright

3. jeldiga

4. Tusmo khaldan

5. Margins furan

6. Dooda isbarbardhiga hordhaca iyo gogoldhiga

7. Ereyga tarmintii

8. Sheekada aanu laheyn ee aanu xusin qoraha kale. Halkan kama yeeleyno qoraha buugga inuu sidaa yeelo? Waxaan ka rejeynayenaa inuu ka jawaabo sheekadaasi cida qortey uu xuso.

9. Magaca buugga ee maansada Gaarriye

10. Magaca buugga ee kala duwan

11. Jeldiga buugga ee xaga sawirka?

12. Buuggu inuu dhaqaaqey

13. Isku marginta jilayaasha sheekada

14. Ereyada wada khaldan ee kor u dhaafey 100-ka ee Khaalid Xusey

15. Ereydad laba ama dhedig

Dhanka kale ma qurux badna in dadka aan aqoonta badan u laheyn arimaha buugaagta laga leexiyo jihooyinka, ama la baro arimo aan sharci iyo nidaam ku dhisneyn. Cabdinasir hadii uu diidey aqoonsiga buugga ee loo yaqaan ISBN buugaasi muxuu noqonayaa? Waxase aan u sheegayaa uun inaan buugaasi la dhigi karin maktabadaha adduunka ee maanta lagu akhristo buugaagta? Midha kale ee falcelinta Cabdinasir ku jirtey ayaa ahayd inuu diidey meel kasta oo joogsi yimaado in la baxaayo SPACE, haddii aad taasi diidey ma waxaad diidey sida COMPUTER-ku wax u qoro. Taasi Computer-ka ayaaba garanaaye, ama kuu saxaayee.

Cabdinaasir hal baa seegtoo intuu islahaa qari gefefka tirada beelay ee lagala kulmay dhiganihiisi ayaa meel aan dadweynihii akhriyey gorfeynta Khaalid iyo cidii buugiisa aragtay anay ka fikir buu isula kacay, waxaan se leeyahay walalkay macalinkeenii gaariye AHUN waa kii inala lahaa

Gun baa Haan Laga unkaa

Duq baa geel loo tubaa

Gaw baan ka aqaan durbaan

Waxaan Geed lala kacaa

Gankaad tahay erey la da’ ah

Gefkana bashar baad u tahee

Hadaad garowdo khalad

Gob bay caadadeed tahay

Mar kalena Soomalidu waxay tidhaahda nin wax ku siiya ma weydid nin wax kuu sheegase ma heshide’’ dhiganayaasha kale inaga soo haddii oo hibada qoraalka u tudh waxaad soo afsaartey oo la hubo ustaad inala wadaaga garawshiiyana ka bixi difaacii aad kala hor timi gorfeynta

Aad baan idiin ku wada mahad naqayaa idilkiin ba

Khaalid qoraalkiisa waxa ugu weyn ee dhaliisha uu lahaa ay ahayd iney ahayd inuu luqad adag ku qorey, balse hadii uu ka saari lahaa ilaa shan ama lix erey waa ay ka sii qurux badnaan lahayd sidan uu hadda yahay. Dad badan ayaan aminsanahay iney wax ka barteen casharkii Khaalid oo aan ka mid ahay,

Ugu dambayn waxaan ku amaanaya qoraa Khaalid Qodax inuu daahfurey dar ku cusub nidaamkii aynu u gorfeyn jirney dhiganayaasha iyadoo imika wixii ka dambeyaa meel walba lays dul taagi doono, taasi oo qorayasha u noqonaysa digniin iyagoo ka baran kara inay dadweynaha hor keenan waxay soo shiileen oo soo naqeeyeen lagana soo hubiyey si anay umaddu u dhibsan waxan yaa qorey loo odhan. Cabdinaasir hal wado ayaa u furneyd oo ahayd inuu qaato gefefkaasi oo aanu soo jawaabin weyse seegtey arintaasi, haddii aan aqoon u leeyahay waxa aan talo ahaan ku siin lahaa inuu aamisi lahaa, waxaanan u sheegi lahaa in xanuunka iyo irbadda Khaalid ku mudey buuggiisa aanu la suuxin, waayo xanaaq badan ayaa ka muuqdey qoraalka Cabdinaasir oo waxa uu isku qaadey meelo badan. Alleh ayaa mahad leh. Haddii aan cid ku gefey aniguna waxaan ka codsanayaa bashar baan ahee iney iska kay dul qaataan.

Qalinkii: Maxamed Shuceyb

shuceyb@gmail.com