Masuuliyiinta Xisbiga UCID Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda Burco.+Sawiro

(SLT-Burco) Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay xarunta Gobolka Togdheer ee Magaaladda Burco. Waftigan oo u hoggaamiyay Guddoomiyaha UCID, waxaa xubno ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad, Cali Maxamed Yuusuf, Musharaxa Xisbiga UCID ee jagada Madaxweyne, Mud. Jamaal Cali Xuseen, ku-xigeenka Cabdirashiid Xasan Mattaan.

S6250483.jpgS6250466.jpgS6250520.jpg

Gawaadhi tirobadan iyo tageerayaasha Xisbiga UCiD ee Gobolka Togdheer ayaa kaga hortagay magaaladda Qoysta oo qiyaasti 20-KM  u jirta degmadda Burco. Waxaana xubnaha waftiga lagu soo wareejiyay shaaricyada Magaalada, iyadoo markii danbe ay xadhiga ka jareen xarunta dhexe ee Xisbiga UCID ku yeelan doono Gobolka. Waxaana halkaas dadkii soo dhaweeyay khudbado uga jeediyay hoggaanka sare UCID, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo la hadlay rer Burco ayaa sheegay in magaalada Burco tahay hooyada Somaliland, waxaana hadaladiisi kamid ahaa. “Burco waa halkii Somaliland lagaga dhawaaqay, waa meesha soo saarta halyeeyada Somaliland, waana magaalada markasta safka hore kaga jirta halganka dalka.”

00003(1).jpg00005(2).jpg00004(1).jpg0007(1).jpg0009.jpg

Musharaxa Xisbiga UCID ee jagada Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mattaan oo iyana ka hadlay goobti Xafiiska laga furay, ayaa sheegay in doorashada wakhtigeedi la qabto.  Cali Gulay oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wakhti ku filan oo doorasho dalka lagaga qaban karo la haysto,  isagoo ka digay in dibudhac ku yimaado wakhtiga doorashada.

Somalilandtoday/Burco/Office.

contact@somalilandtoday.com