Mas’uul Sare Oo Ka Tirsanaa Guddiga Doorashooyinka Kenya Oo Meydkiisa La Helay

(SLT-Nairobi)-Mas’uul sare oo guddiga doorashooyinka Kenya u qaabilsanaa maamulida hanaanka codeynta ee kombuuterada ayaa meydkiisa la helay iyadoo isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashada guud.

Chris Musando, oo guddiga doorashooyinka ee IEBC u qaabilsanaa dhinaca farsamada tecknoolajiyada ayaa sameeyay hanaan uu ku sheegay in aan la jabsan karin.

Ninkan ayaa la waayay Jimcihii aan soo dhaafnay, sida uu sheegay boolisksa.

Wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa ku warramay in meydka Mr Musando la helay iyadoo jirkiisu uu jirdil ka muuqdo.

Doorashooyinkii u dambeysay ee Kenya ka dhacay 2013-kii, ayaa hanaankii codeynta iyo tirinta codadka ee ku shaqeynayay combuuterka uu guuldarreystay. Waxay taasi horseeday eedayma ah in doorashadii lagu shubtay.

Chris Msando ayaa isbuucyadii dhawaa lagu arkayay telefihsinada maxaliga ah isagoo sharraxaad ka bixinayo qalabka uu guddiga u istcimaali doono doorasahdan oo lagu tilmaamay mid aan loo hici karin.

Dhimashadiisa oo aan caddeyn sida ay ku timid isbuuc ka hor doorasahada ayaa su’aalo badan dhalin doonto.

A school boy looks at a banner advertising a voter-registration point January 18, 2017 as he walks past as Interim Electoral and Boundaries Commission (IEBC) clerks capture the biometric details of a voter at Baba-Dogo slum area of Nairobi.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Qiyaasihii u dmabeeyay ee soo baxay waxay sheegayaan in madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta iyo musharraxa mucaaradka Raila Odinga ay aad isaga agdhaw yihiin.

Xiisad ayaa ka taagan guud ahaan dalka iyadoo laga casbi qabo inay dalka ka dhacaan rabsahdo marka lagu dhawaaqo natiijada.

Balse khuburada ayaa saadaalinya inaysn dalka ka dhici doonin rabshado la mid ah kuwii dhacay toban sano ka hor oo 1,200 oo qof ay ku dhinteen.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office