Maskaxdaadu Yey Noqon Maqal Lagula Leeyahay ( By Daacad Alle Yaqaan)!

Ummad yahay, waxa haboon in aad ka madax banaanaataan reer hebel baynu isku nahay, oo nin dhuuni qaata ahi hoog idiin horseedin, kaas oo ku dhaadanaaya, reer hebel haday hebel dooran waayaan, dib dambe weligood u soo mari mayso, ruux reerkoodda laga doortaa, halkaas baad ka garanaysaa, in kaasi dan somaliland wadda leedahay aanu wadin , ee uu dukhulkiisa idiin sheegay, taas oo ah qabyaalad uu ku kala fidmaynaayo ummaddii hogga ku wadda jirtay, ee u baro baxay Daroor, Xarshin, Harta sheekha iyo meelo kaloo badan, waxan hadaba maanta u qaatay qalinka, in aan sidda iga daacadda ah, ee ay ku jirto danta Somaliland aan

idinkula dardaarmo, taas oo ah, qabyaalad waad soo aragteen,oo tii ilaa duunya-diinii, rasaasta lagu furey baad ahaydeen, kuwii la isu dilaayey baad ahaydeen, kuwii kaaraha lagu xabaalaayey, ee lafahoodda aadku soo fagay baad ahaydeen, wixii idin soo maray cidi idiin sheegi mayso, waayo horaa loo yidhi ” Eedaadka Soo Maray Umul Baa Ilawdee, Allaw Sahal Amuuraha, Adaa Nooga Roone ” Dagaalkii sokeeyaa ogaydeen, oo intii idinka soo sabata-baxaday halgankii, iyana aad isku gawracdeen gacantiina, kuwii dhigayna ay weli ” Tolaayey” idinla hor taagan yihiin, saw maaha in aynu ku nidhaahno, ” Maanta Waa Maalin Kale Ee Shalay Maaha” Kulmiyaw ha noqon arki jirey doon, waanu ka il-baxnay beentiinii, ka wax waalayaa waa idinka, waxad ahaydba dabadda baanu kuu soo foorarinay, lana hubsay oo gorayo haad noqotaye, mabda’aagga waanu ka soo hor iyo daba wareegnay, in aad dib noo khaladaa waa ” Habeenkii xalay tegay oo aan dib u soo noqonayn, sacabkoo tima yeesha, saabuun xoor laga waayey iyo waa dameer san madaw” intaas oo illaa imika midna aan hore loo arag, dibna u dhacayn, ee ha lugu’in.

Tix dheer oo uu leeyahay Ibrahim Gadhle (IHN) baa wuxu yidhi ” Halkii qorigu kaa muday, mar labaad cagtaadiyo, lugtu yaanay kula marin, Daraad wixii ku soo maray iyo, ma-hadhadda xasuusnaw, maalmaha dambeeyiyo, waxa maqana faalee, Mar waxaad dhadha-misiyo, mijin qaadda haw dhiman, maskaxdaadu yey noqon, maqal lagula leeyahay, yaan toban muftaaxiyo lagu furan masaabiir, sidda macawisaa qaar, midba maalin yuu xidhan, hadba kii muraado leh, haw noqon maqaar saar, geela maalintii raac, makharib-kiyo habeenkii aan kugu ag meelee, ha magaabin caanaha, maan gaabka kugu yidhi, waxa kaaga magac roon, adigoo markaa ridda” akhristaw marka aad isku soo xooriso, micnaha ay samaynayso baydadka sare ku qoran ee Ibrahim Gadhle, waxay kuus heegayaan, sidda uu yahayba Cinwaanku oo ah, yaal laguu talin ee tasho, cidna haw ogolaan in ay iska kaa maamushaan, si dan ay leeyihiin in gaar ahi kaaga fushadaan, yaan lagugu iibsan, oo masiirkaagga lagu baabi’in, wax yar oo gacanta laguu saaro, wixii hore kuugu sood hacayna maa ha in aad ilawdid, iyo ciddii kugu samaysay, ujeedi iyo haatan, kulmiya waa kii 2010kii beenta ummadad kaga marsaday kaadhka, waxa aad ka dhaxashayna, ruuxii garada lihi waa og-yahay, nacasna loos heegimaayo, maantana in uu tii oo kale kuula yimaadaa, oo aad ka qabashaa, waa liidnima-daadda, iyo inaka oo aan gebi ahaanba wax aynu nahay jirin.

Abwaan /Macalin Gaariye ( IHN), baa sina waxa ka mid ahaa tixdiisii gurmad ” hadaan guga kuu kordhaa, gabaw mooyee ku tarin, garaad iyo waayo arag, ilayn wax madhaantid geed, golxoo dhami maaha dhalan, mar bay ged kaleeto tahay, dibnahoo gargariira iyo, gedmadda waxa keena been, ee nin iinlaw daa gujadda”, umad yahay, waa siddaa uu sheegay Gaariye’e, ee goormaan wax inoo kordhayaan, oo aynu sidda saxa ah u fekeraynaa, kala garanaynaa waxa khasaare ama faa’iido inoo leh, weligeen maa waxa la inagu maali, waxan isku nahay reer Qansax, oo aan si kaste, hore iyo dib intaba u eeday, kii todobadda (7 Years) sano hayey hogaanka waa Kulmiye iyo kii ka horeeyey is barbar dhig, waxad heli doontaa, waxad heli doontaa, intii uu jirey maamaulkani iyo inta la hal maashaa, in ay somaliland 100% hoos u dhacaday, wax waliba sare u dalacmeen, nabaddii ceeryoontay, wax waliba cirka isku shareereen, bel kastaa beeshii ku xigtay, foodda la isu geliyey, waxa la ina hoos geeyey Waxa lagu sheego Somaliya, oo laga soo saxeexdo waxa la iibinaayo sidda Dekeddii Berbera, Baddii, hawaddiina la wareegtay, Saldhiga ciidanka, iyo garoonkii Berbera, waxaba waxa laga soo fasax qaataa Xamar, halkii wakhtiggii riyaale, Cabdiraxmaan iyo Cigaal dariiqa la sika mariyey, maamulkani gacmaha buu hoos dhigtay.

Miyirkiyo Hubsiimadu maro weeye la hubado, yaan maylku kaa lumin, hana noqon macaan jecel, malab raadinaysoo, muraad kale lahaynoo, waxay dhuunta marisiyo, murdis uun u baro-baxay. Waxan ku soo dabray qoraalkan, weligeen ma mid dan gaara leh, dalka iyo dadka midna aan naf u lahayn, oo wuxu liqo doonaaya, dibnaha leefeeya baynu u muraad qumin, marka uu kaadhka kaa marsado hooyoo-ku-go’ wax ah, nafna aan ku gelinayn oo maalin-daaq ah, hadhaw markuu intaa kaa helona aan dib dambeeto loo arkayn, xaalkiisu yahay yaad taqaanaa, ilayn kuuma baahna imika’e, oo wuu kaa helay wuxuu doonaayeye, baad maantana dooran, Kulmiye wuxu uu kuus heego, oo aan ka dhegaysan kanaa ma idin la tahay buu soo wadda? Waxa wacan in aan is waydiino su’aalahan soo socdda, ka dibna aad la kaashato maankaagga, waxana ay yihiin, Kulmiye miyaanu ahayn kii maamulka hayey, laga soo bilaabo wakhtiga aan sare ku soo carabaabay, ilaa iyo ayaantii uu foodka ku helay beentii uu inoo sheegay, maxaa kuu soo kordhay wax kaa sii dhaca mooyaane? mise wixiisii xilka lahaa iyo ciiro isku qarintii buu weli wadaa? ma dibaa Kulmiuye Loo soo abuurey, Odaygii hayey kii uu ka fadhiyio waayey, ee xanuunkaba qaadsiiyey, miyaanu ahayn ka maanta ina hor geblaynayaa? ma taariikh cusubbuu keenayaa, miyaanu ahayn kii aynu ka dheregsanayn, ee wuxuu ku hadlaayey la wadda hayo, ka af-duubay Kulmiye? waxan ku joojiyey qoraalkan, haddii aad u foodo Kulmiye ogaw in aad yoomal-qiyaamihii is geysay, oo aad adigu gacantaadda isku dishay, dabkii baxaya baa dab lagu qabsadaa ee Waddani Tijaabi maanta, lakiin ha marin, wado halaq-ddii aad markii hore raacday, haddii kale adaa isu dhmeeyey ee hadhaw ha soo ooyin, marka ay kugu jiq noqoto, maanta bay tallo kuu taal in aad ka fiirsato.

Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan.

daacad1512@gmail.com