Marxuum Col. Nuux Xuseen Turub, Tiir Ka Baxay Shacabka. Somalilandtoday Staff

(SLT-Hargaysa) Geeridu waa xaq oo qofna waarimaayo, waxaana inoogu ballan qaaday rabigeeni markii horeba adduunka ina keenay. Maalintii shalay oo bishu ahayd 11/10/2014, waxaa Magaaladda Hargaysa aas qaran loogu sameeyay Marxuum Col, Nuux Xuseen Turub kadib markii lix caanamaal maydkiisa la baadi goobayay. Marxuumka waxaa dad ku qaaday toga Magaaladda Dacarbudhuq.

Kumuu Ahaa Nuux Xuseen Turub.??

Nuux Xuseen Turub, wuxuu ku dhashay degaanka Gobolka Togdheer hilaadi 1950, waxbarashadiisi kala duwanayd wuxuu darajada ciidamadda ka gaadhay gaashanle dhexe, waxayna isku ciidan ahayeen sarakiil badan oo maanta Somaliland joogta, ayna kamid yihiin Muj: Maxamed Kaahin Axmed,  Muj: Muuse Biixi Cabdim Muj: Cabdiraxmaan Aw Cali.  Muddadii uu sarkaalka ahaa wuxuu kamid ahaa sarakiishi ugu hawl karsanayd wakhtigaas.

10271476_840113686041257_952019713985241677_n

Muddooyinkii danbe ee dalka lagu soo noqday wuxuu Marxuum Nuux Xuseen Turub ku nolaa waddanka Canada, gaar ahaan Magaaladda Toronto. Ifka wuxuu kaga tagay xaas iyo Saddex caruur ah (Laba Wiil iyo Gabadh).

Jaaliyada dalka Canada iyo guud ahaan shacabka Somaliland, ee ku dhaqan waddamada Waqooyiga Amerika, wuxuu u ahaa maruum Nuux Xuseen Turub, mid kamid ah odayaasha waxgaradka ah ee halkaas u joogay, wuxuu sidoo kale ka qayb qaadan jiray arrimaha khayriga ah ee bulshada Somaliland guud ahaan.  Geesta kale Marxuum Nuux Xuseen Turub, wuxuu ahaa nin ballaadhan oo ka soo jeeda Degaanada Togdheer iyo Maroodijeex.

Gebo gebadii dhammaan hawl wadeenada hay’adda warbahineed ee Somalilandtoday Media Group, waxay tacsi tiraanyo leh u dirayaan qoyskii qarabadii iyo ummadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Nuux Xuseen Turub.

Somalilandtoday Staff.