Martinow waad Dhaaftay Diilintii Casayd…

Bulshada reer Somaliland xaq way u leeyihiin inay mucaarad ku noqdaan xukuumada jeegaanta laakiin martin waxa uu ku kacay waa fal ka baxsan kii umadu heshiiska ku ahayd sheegahada uu madaxweynanimada sheegtayna waa dhaqan reer koonfureed mana aha mid loo baahan yahay. hadii dawlada calancasta ah ee dalka haysata la mucaaradayo maaha in la gaadhsiiyo heer nidaamka dawladnimo la burburiyo. Ninka la baxay Martin oo ah nin aan cidna metelin ayaa waxa uu sheegtay dhawaan inuu u cumaamatay xil jino boqornimo ah oo Madaxweyne urur sharci daro ah oo uu samaystay.

Hore looma arag cid reer Somaliland ah oo ku kacday ficilka uu ninkaas Martin la yidhaa ku kacay taasoo ah mid aan marnaba caqliga geli karin oo aan la aqbali doonin fikirkiisaa xaaraanta ah ee ka baxsan anshaxa mucaaridnimo iyo ka dawadnimo toona. waxaa muuqata in dadka reer Somaliland badankoodu ay ka soo horjeedaan xukuumada koranayl Muuse, laakiin taas macnaheedu maaha in laga talaabo diilinta cas ee wax yeelaysa qaranimada guud ee Somaliland.

waxaanu u soo jeedinaynaa in ninkaas Martin la baxay uu raali gelin buuxda siiyo dadka reer Somaliland sidoo kale waxa aynu ogayn in uu ninkaasi dacaayad, been abuur iyo iska hor keen uu in mudo ah ku hayay xisbiga Waddani iyo madaxdiisaba, waxana fadeexadihii ugu cuslaa ka mid ahaa in uu gudoomiye xisbiga Waddani uu ka sheegay been cad taasi oo uu baahiyay in Cabdiraxmaan Cirro uu 3 milyan oo doolar ka qaatay dawlada Kulmiye SI uu ugu qanco natiijadii doorashada ee muranka dhalisay arintaasi oo been ahayd iyadana looga fadhiyo raali galinteeda.

Xuseen Saalax Abdi