Maroodigii iyo Xayaankii Dhulkii loo ya qaanay (happy valley)

Berri waxaa jiray dhul aad u qurux badan ,isla markaana aad u barwaaqaysnaa, dhulkani waxaa ku noolaan jiray xawayaan aad u fara badan oo kala duwan .kuwaasi oo uu u tallin jiray Maroodi aad u xoogweyn isla markaasina aad u naxariis badani .
Hadaba xayawaankaasi waxay ku noolayeen farxad iyagoo ku qanacsanaa nolosha ay ku noolaayeen iyo nabadda dhulkooda ,maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa maroodigii u yimi
qaar ka mid ah xayawaankii oo aad murugaysan , kuwaasi oo ka cabanaya qaarka mid ah xayawaanada kale ,waxayna maroodigii u sheegeen in kuwaasi ay ula dhaqmeen si bilaa naxariis ah ,isla markaasina ayku hayaan dhibaato.

IMG00846-20120327-1205


Maroodigii ayaa wuxuu shir isigu yeedhay xayaankii oo dhan isaga oo doonaya in uu ogaado kuwa ay yihiin xayawaanka laga cabanayo,dabadeed hadalkii ayuu bilaabay ,wuxuuna yidhi waxaad joojisaan caadada xun (bad habits),caajisnimada ,anaaniyada ,axmaqnimada(cruelty) iyo xaasidnimada ,kuwaasi oo haddii aad sii wadaan waxay xumayn doonaan nolosheena wanaagsan ee aynu haysano .
Hadalkaasi maroodiga waxaa u qushuucay oo madax u ruxay, isla markaasina aad u oo soo dhoweeye xayawaan farada oo ay ka mid yihiin geela , eyda idaha , qudhaanjada ,shinida iyo shibiraha qaarkood .
Hase yeshee taa bedelkeeda waxaa aad uga cadhooday oo buuq iyo sawaxan isku daray qaarkaloo badan ,kuwaasi waxaa ka mid ahaa Shabeelka ,Yeyda,dibirlaxa(laxle ,xoon),Ayaxa, Gorilaha iyo qaar la mid ah.
Inta dabadeed maroodigii ayaa waxoogaa yare aamusay oo dhegaystay .hadana wuxuu bilaabay ama ku noqday in uu sii anbaqaado hadalkiisii isagoo leh,waxa keliya oo aan idiin sheegay tallo ama waano dhamaantiin intiina halkan joogta ,hase yeeshee qaarkiin waad u guuxdeen ,kuna faraxsanaydeen in aad idhegaysataan oo aad qaadataan waanaydayda aan idiin sheegayey ,ku wiinaasi waxaad tihiin xayaankii wanaagsanaa ,laakiin kuwiina ka cadhoodhay kelmadahaygii waxaad tihiin rabshadwalayaasha xumaynaya nabadda iyo barwaaqadda happy valley .
Good advice hurts those who do wrong things
IBRAHIM AHMED EID (shahmad)
la soco qaybaha  danbe