“Markii Madaxweyne Cigaal Uu Soo Dhigay Golahii Wasiiradda Gobolnimada Saaxil Muuse Biixi Waxa Uu Ahaa Wasiirkii Kaliga Aha Ee Diiday, Markii La Qaybinayay Kuraasta Muuse Waxa Uu Ahaa Ninkii Yidhi 3 Kursi Wax Ka Badan Berberi Ma Yeelan Karto” Siyaasi Saleebaan Ibraahim

Siyaasi Saleebaan Ibraahim Oo Soo Bandhigay Taariikh Madow Oo Uu Muuse Biixi Ku Leeyahay Gobolka Saaxil

Burco (Somalilandtoday)-Siyaasi Saleebaan Ibraahim oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan dekeedda Berbera oo qarka u saaran in albaabada loo laabo.

Siyaasi Saleebaan Ibraahim oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa waxa uu yidhi “dekedda berbera maanta way xidhantay, marka aad eegto dadkii wax kala soo degayay amma sida ay uga hadlayeen, xukuumadda tallada haysaa way xidhay amma way xawishay, waxa ay ahayd isha dhaqaale ee kaliya ee ay Somaliland lahayd” ayuu yidh Siyaasi Saleebaan Ibraahim.

Siyaasi Saleebaan Ibraahim oo ka mid mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI ee ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in uu Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu cod weydiisto bulshada reer berbera isaga oo soo bandhigay taariikh madow uu Muuse Biixi ku leeyahay gobolka Saaxil waxaanu yidhi “Muuse Biixi waxa uu ahaa nin kaliya ee golahii wasiiradda markii Madaxweyne Cigaal soo dhigay miiska gobolnimada Berbera ninka kilya ee diiday ayuu ahaa Muuse Biixi, waxa ayna ahayd qisadii uu markii danbe uu madaxweyne Cigaal uga eryay markii uu golahiisii xukuumadda ka hor yimid arrinta kaliya ee aysku hayeen gobolka Saaxil ayay ahayd sidaa ayuuna madaxweyne Cigaal xilka kaga qaaday”

Siyaasi Saleebaan Ibraahim isaga oo hadakiisa sii wata ayaa waxa uu soo bandhigay taariikh kale oo madow oo uu Muuse Biixi ku leeyahay gobolka Saaxil, waxaanu yidhi “mar labaad Muuse markii kuraasta gobolka Saaxil la qaybinayay waa la ogaa dhibaatadii uu u gaystay Axmed Yuusuf Yaasiin (Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland) Muuse Biixi waxa uu ahaa ninkii Yidhi saddex kursi wax ka badan Berberi ma yeelan karto, inta madaxayga saani ku jirto-na ma aqbalayo inay Berbera saddex kursi wax ka badan yeelato, waa nasiib darro in aad maanta cod u soo doonto Berbera, maanta ma soconayso tolaayeey” ayuu yidhi Siyaasi Saleebaan Ibraahim.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday