Markabkii hubka iyo inta wax qabatka jecel. By: Ahmed Guhaad / Kuwait

 

     Marka hore waxaan salaamayaa shacabweynaha somaliland meel kasto ay jogaan , waxa baryahan la isla dhexmarayay in uu ku soo xidhay degada berbera markab alaab u siday ganacsato reer somaliland,ah markii rarka laga dajiyay ay ku arkeen ciidanka bada somaliland iyo shaqalaha maalintaa hayey shaqada dhowr gaadiidka dagaalka ee qafilan ah iyo tobanaan qori iyo rasaas farabadan.

sidayno lawada socono golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa sanadkii 1992 somalia ku soo rogay cunaqabateyn dhanka hubka ah .

Hadaba markaan u soo gudbo dulucda hadalkayga ku waajahan arintaa waxaan rabaa in aan hadalkayga u kala dhigo (2 qaybod ).

A- waa dhaliil ku waajahan mucaaridka iyo inta wanaaga neceb .

B- codsi ku socda madaxweynaha qaranka.

     Walaalayaal aan ku hor maro qodobka hore ama arinka khuseeya mucaaridka ilaa maanta lagama hayo hadal official ah oo ku bogaadinaya ciidankii iyo shaqaalihii shaqadaa hayey maalintaa iyagow maalin iyo habeen u taagan qaranimada iyo gooni isutaaga somaliland xageebay ka dhaceen ragii afmiishaarnimada ku caan baxay , xageebay ka dhaceeen ragii ina ” wabarkaa ” ka falagoobay somaliland u hiilin jiray oo maalin walba TVga iyo saxaafada ka hadli jiray , mise arintoodu waxay noqotay ama hoonku ka ga dhagay doorosho madhacayso 26 June, xageebay ka dhaceen saladiintii iyo boqoradii maalinta ninka tuuga ah la xidho microfonada qabsanjiray ee odhan jiray waa reerkee ha la sii daayow , maxaa looga waayay cid ka hadasha hawshaa iyo wax qabatkaa ay qabteen CIIDANKA AMAANKA XEEBAHA SOMALILAND IYO SHAQALAHAA DEGADA maalintaa shaqada hayey ee ka farxiyay shacab weynaha somaliland oo idil, kana nixiyay cadowga dalkeena , mise salaadiintaa iyo boqoradaa danta reerka ayaa ka weyn danta qarankeena, waa su aal u taala inta wanaaga jecel?

markabka

     Dhinaca kale anoo si xushmad leh ka codsanaya in si deg deg ah ciidanki hubka soo qabtay iyo shaqalaha maalintaa hayey shaqada in aad u qabatid soo dhaweyn heer qaran ah uguna qabatid qasriga madaxtooyadda saxaafaduna goob joog ka ahaato si nin walba oo dalkeena wax u qabtaa u ogaado in lagarab taaganyahay ku wa kalana ugu dhiradaan sii xoojinta wax qabadkooda.

madaxweyne siday ila tahay ragaa maanta hubkaa qabtay kama liitan dadkii ka horeeyay ee loogu qabtay soo dhaweynta ama xafladaha sida fanaaniita ama qurba joogtii hoolalka loo ki reeyay shahadooyinkana la gudoonsiiyay iyo hadyadaha dahabka ah .

wa bilahi tofiq                                                                     Ahmed Guhaad / kuwait

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..