Mareykanka Oo Wadahadal Ugu Baaqay Siyaasiyiinta Waddanka Kenya

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga inuu joojiyo qorshaha la doonayo in toddobaadka soo socda loo dhaariyo xilka madaxtinimada.

Ku xigeenka xoghayaha Mareykanka u qaabilsan Afrika, Donald Yamamoto ayaa soo gabagabeeyay booqasho uu ku tegay Kenya, halkaa oo uu kula kulmayay siyaasiyiinta reer Kenya iyo xubnaha ururada rayidka.

Arrimaha ugu waaweynaa ee laga hadlay ayaa la sheegay inay aheyd kala qeybsanaanta dhanka siyaasadda ee u dhaxeysa xisbiga tallada haya ee Jubillee iyo isbaheysiga mucaardaka ee NASA. Mr Yamamoto ayaa labada dhinac ugu baaqay inay wada hadlaan, waxaana uu ka digay in lagu dhaqaaqo ficilo ka baxsan dastuurka sida in la dhaariyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Odinga ayaa horay u sheegay in uusan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadeen guddiga doorashada, isagoo na qaadacay doorashadii ku celiska ee dhacday bishii Oktobar. Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii ku celiska.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office