Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Waa Masuul Wax-qabad iyo Karti badan

Akhristayaasha Sharafta badan marka hore waan idin salaamay ASC WW, bacda Salaan, waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago Fikirkayga ku aadan Horumarka Balaadhan ee ka socda JSL .

Waxaan xooga saari doonaa oo aan qalinka u qaatay sida wanaagsan ee ee loo ilaaliyo masuuliyiinta wanaagsan ee horumarka la tabankaro ku talaabsaday iyo umadda ay baal-dahaba ugu suntanadaan. Taariikhdu wax bay hagtaa dadkuna wuu haybsadaa.

Marka hore Mareeyaha Shidaalka Berbera Sheikh Salebaan wuxuu ka soo jeedaa qoys ahlu diin ah. Waxay dhammaan awowyadii ka mid ahaayeen culumadii dariiqada suufi xasan. Sida Sheekha, aabihii Sh.Siciid Iyo Adeerkii  waxay ahayeen  xaafidul quraan aan quraanka afka ka qaadin markay  uu soconayaan iyo marka uu fadhiyaaba. Dhawr jeer oo aan nasiib u yeeshay inaan kulano ehelka sheikh Salebaan siiba  abihii, ayaan waxaan ka dheehday dhammaan astaamihii lagu tilmaansan jiray ahlul quraanka. Cibaado badan, qiyaamu layl, soon, iyo sadaqaad ayaa ka mid ahaa acmaasha ay qaban jireen maalin walba.

Dhinaca kale, waxa uu ka mid yahay xubnaha safka hore kaga jira masuuliyiinta  ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sidoo kale ka mid yahay mareeyuhu ,xubnaha  muraayadda u ah waxqabadka baaxadda leh ee ay ku talaabsatay xukuumadda hadda talada wadanka haysaa, isaga oo ah mareeyuhu yahay shaqsi ku caanbaxay hawl karnimo, daacadnimo iyo isaga oo aqoon iyo khibarad dheer u leh ganacsiga Shidaalka Somaliland ee uu mareeyaha ka yahay.

Waxaana taasi markhaati cad u ah sida uu ugu dedaalayo horumarinta Haamaha shidaalka Berbera mar walba ugana go’an tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisaba ugu adeego si daacad ah, isla markaana uu bulshadiisa uga faa’iideeyo uguna dedaalo sidii shidaal tayo leh oo jaban iyo dayactir heersare uu ugu sameeyo markasta Haamihii Shidaalka Berbera .

Mareeyaha Haamaha Shidaalka ayaa mudadii uu xilka hayey waxa uu ku tallaabsaday horumar balaadhan oo dhinacyo badan leh isaga oo guulo wax ku ool ah ka soo hooyay dibu-habeyn iyo dayartir balaadhan oo uu ku sameeyey Haamaha Shidaalka .

waxaanu sameeyey qorshe balaadhan oo uu ku doonayo sidii ay bulshada Somaliland uga bixi lahayd u heli lahaayeen shidaal tayo leh oo uu ka hirgeliyey shaybaar lagu baadho tayadiisa isla xarunta Haamaha shidaalka waxaanu keenay lab lagu baadho shiidaalka iyo sidoo kale waxyaabo badan oo wax tar leh.

 

Haamaha Shidaalka 20 14

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa kormeeray bishii August 2014 Mashaariic ka socota Haamaha Shidaalka sida dayactirka haamaha iyo qalabka lagu dhaamiyo booyadaha shidaalka oo casriya, sidoo kale

 waxqabadka iyo horumarka balaadhan ee uu ku talaabsaday masuulkani waxa kale oo aynu ka xusi karnaa Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali sida wado halbowle ah , isagoo Madaxweynuhuna dhagax dhigay jidkaasi  laami ah oo Mareeyaha Haamaha Shidaalku hir galinayo Berbera iyo Haamaha dhexdeeda.

Dhinaca kale marmar dhacda dad ku ceesha war-xumo tashiilka, kuwaasi oo caado ka dhigtay cayda iyo aflagaadada dadka Masuuliyiinta ah ee sida daacada ah qaranka iyo dadkoodaba ugu adeegaya, kuwaasi oo si gaar ah u weerara Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera, xubnahaasi oo ay ka dhex muuqdaan in ay dano gaar ah leeyihiin.

Waana shakhsiyaad ka xun dedaalkiisa iyo wadaniyada hadhaysay ee uu doonaayo inuu ka midho dhaliyo wax qabadkiisa, isaga oo aan cidna magan uga ahayn. Haddaba kuwa doonayo in meesha laga saaro, waa kuwo aan dan guud u socon, bal se u socda danahooda gaarka ah oo la daba-taagan eedaymo, dhaleecayn, cay iyo canbaarayn raqiis ah oo aan waxba ka jirin.

 

Waxaanan leenahay Mareeyaha Haamaha Shidaalka Sh. Saleban Siciid Cali wuxuuu mudan yahay in lagu bogaadiyo dedaalkiisa ku aadan sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba si daacad ah ugu adeegi lahaa isla markaana aanu dheg u dhigin inta xumaanta faafinaysa ee bulshadda suuska iyo naxliga kala dhex dhigaysa, Isla-markaana Waana Masuul  ay ka muuqato in uu danihiisa gaarka ah ka hormariyey danta guud iyo  horumarka dalka, Waana masuul ka foojigan wax kasto oo wax u dhimaya sumcadiisa, sharaftiisa iyo tan xukuumadaba, waxna ma yeeli karaan shirqoolka iyo canbaaraynta ay ku sheegayaan dadka danaha gaarka wada, ee ku eedaynaya waxaan sal iyo raad toona lahayn ee ay suuqa la wareegayaan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu indhihiisa ku soo arkay mashaariic badan oo horumarineed oo Mareeyaha haamaha Shidaalka fuliyay mudadii afarta bilood ee uu xilka hayey .

Ugu Danbeyn Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Md, Shiekh Saleebaan Siciid Cali oo hore u ahaan jiray isu duwaha diinta iyo awqaata ee gobolka saaxil,  Waxa hubaal ah in xilkaasi Mareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera inuu waxa badan ka qaban doono (Isbedel weyn oo Horumar ah) Isla-markaana  nin hawl kar ah kana soo baxaya shaqadaasi Mareeyaha iyo Shaqo ka balaadhan ba . Maareeyuhuna markasta waa Haldoorka G/Saaxil,  kaasi oo waxabadan ka soo qabtay arimaha bulshada .Ugu danbeyn:-  Waxaan Mareeyaha  Haamaha Shidaalka berbera Mudane .Sheikh Saleebaan Siciid Cali Ilaahay uga barayaa inuu xilkaasi  u fududeeyo.

Gun iyo guraanad waxaan halkan talo iyo waano uga dirayaa dhamaan ummada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay walalayaal maanta dalkeenu waxa uu haleelay tubtii horumarka markaas waxaa inagu waajib ah in aynu ka foojignaano cadowgeena meelkasta ha joogo kaas oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulaaya dabanbaada dalkeena, cadowgaas waa in aynu meel qudha uga soo wada jeesanaa, mida kale ummad kastaa waxay ku meel martaa qadirinta halyeeydeeda iyo xishmaynta madaxdeeda markaas waxaan laynooga fadhiyaa fulinta taladaas.

 

Mustafe Adan Cali (Mustafe Shanle).