Maraykanka Oo Wali Tageero Ka Rajaynaaya Xukuumadda Ankara Iyo Turkiga Oo Shuruud Ku Xidhay.

(SLT-New York)-Mareykanka ayaa sheegaya in ogolaansho uu Turkiga u ogolaado in xulufadiisa ay isticmaalaan garoonda milatari ee Incirlik ee dalkaas Turkiga si loola dagaalamo kooxda Khilaafada Islaamiga ay tahay nooca taageerada uu ka rajaynayo Ankara.

 

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Chuck Hagel ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taageero dhanka tababarada iyo hubka ah oo la siiyo xoogagga mucaaradka Suuriya ee qunyar socodka ah.

Waxa uu sheegay in arrintaasi lagu soo qaadi doono wadahadallada ay usbuucaan la yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Turkiga.

20130206133008_us-turkey-relations

Balse waxa uu intaasi ku daray in codsiga Ankara ee ah in dhanka Suuriya ee xudduudda laga sameeyo aag difaac oo diyaaraduhu ka caagan yihiin ay tahay arrin laga wada hadli doono.

Xukuumadda  Turkiga ayaa iyaguna geestooda waxay shuruud ku xidheen inay dagaalka toos u galaan, in marka hore Maraykanku ogolaado in Xukuumadda Madaxweyne Asad ee Suuriya iyana lala dagaalamo oo meesha laga saaro, iyo in la sameeyo aag diyaaraduu ka caagan yihiin. Dhinaca kale waxay Xukuumadda Turkigu tallaabo foojigan ku eegaysa mustaqbalka Kurdiyiinta, haddii la hubeeyo kuwa Suuriya inay markaa Kurdiyiinta Turkigu hubkaas ka faa’idaysan karaan, gaar ahaan Jamhada ku kacsan ee PKK.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com