Maraykanka Oo Ka Digey Weeraro Al-shabaab Ka Fuliso Burundi

(SLtT-USA) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa uga digtay Dowladda Burundi in weeraro ay ka dhacaan dalkeeda oo ay geystaan ururka xagjirka ee Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa sheegtay in Al-shabaab ay rabaan in ay weeraro ka fuliyaan dalka Burundi oo kamid ah wadamada ciidamada nabad ilaalineed u direy Soomaaliya.

Mareykanka ayaa uga digay muwaadinintiisa in ay u safraan wadankaas iyadoo shaqaalaha safaaradda la faray in ayna socon xilliyada habeenkii. Kooxda al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliyey wadamada Kenya, Djibouti iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan dhulka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa bishii hore sidan oo kale dalka Uganda uga digey weeraro ay kooxda Al-shabaab ka fuliso meelaha muhiimka ah ee Magaalada Kampala, laakiin Al-shabaab ayaa wakhtigaasi beenisay inay ka tirsan dad door ah oo ciidamada ammaanka Uganda sheegeen inay qaraxyo maleegayeen.

Al-shabaab

Digniinta labaad ee Maraykanku ka soo saarey dalka Burundi ayaan tilmaamin meel gaar ah oo Al-shabaab doonayso inay ku bartilmaameedsaneyso weerarada uu Maraykanku iclaamiyey