Maraykanka Oo Jabhadda Kurdistaan U Fidiyay Taagero Milateri Iyo Mid Dhaqaale.

(SLT-Kobane) – Diyaaradaha Maraykanka, ayaa hawada uga daadiyey hub, rasaas iyo qalab caafimaad dagaalyahanada Kurdishka ee waqooyiga wadnka Suuriya ee magaalada Kobane ee ay qabsadeen kooxda Daacish.

kudistan

Pentagonka ayaa sheegtay in diyaarad Kargo ay dhowr jeer hawada uga soo riday sahay oo ay dawladda Kurdishka ay bixisay.

Afhayeenka ciidamada Kurdishka, Redur Xelil, ayaa sheegtay in sahay dheeraad ah la rajaynayo.

Gurmadkan ayaa yimi maalin kadib markii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu u digay Maraykanka inay hubeeyaan dagaalyahanada Kurdishka, iyagoo ugu yeedhay argagixiso.

Somalilandtoday /Hargeysa/office

Contac@somalilandtoday.com