Maraykanka Oo Dadkiisa Uga Digay Dhawr Wadan Oo Ku Yaala Qaaradda Afrika.

 (SLT-Washington) – Dawladda Mareykanku waxa ay  soo saartay digniin culus taas oo  ay ujeedisay muwaadininteeda, kaas oo ku saabsan in aanay u socdaalin wadamo ku yaalla Qaaradda Afrika.

Qoraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa loogu baaqay muwaadininta wadanka ugu awooda badan dunida in aysan tegin ilaa toban dal.aqalka cad

Wadamada looga digay in ay u safraan ayaa kala ah Soomaaliya, Kenya, Djibouti, Sudan, Eritrea, Chad, Niger, Mali iyo Senegal.

Arrintaan ayaa lala xiriirinaaya weerarada cirka ah uu Mareykanka ku wado kooxda daacish ee ka dagaalanta wadamada Siiriya iyo Ciraaq.

Digniinta ayaa lagu sheegay in muwaadinka Mareykanka ay khatar uga imaan karto wadamadaas oo ay ka jiraan kooxo mintidiin ah,

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com