Maraykanka: Baadhitaanka Shilkii Tareen Ee Gobolka New Jersey Iyo Khasaaraha Ka Dhashay + DAAWO

(SLT-USA)-Waxaa baadhitaan lagu wadaa shilkii Tareen ee khamiistii ka dhacay gobalka New Jersey, shilkaasi oo uu ku dhintay hal qof ayaa waxaa ku dhaawacmay 114 qof oo kale
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Tareenka uu xawaare sare ku socday xiligii uu soo galay Xarunta Tareenada ee Hoboken ee gobalka New Jersey.

shil-newjersey-tareen2

Saraakiisha shilka baadheysa ayaa wareysi la yeeshay wadihii Tareenka oo isagu dhaawac kasoo gaadhay shilkan. Maaha markii ugu horeysay oo uu shil noocaan ah ka dhaco xarunta tareenada ee Hoboken oo hada kahor laba mar oo hore ay shilal ka dhaceen.
Tareenka shilka galay ayaa la sheegay inuu ahaa nooc qadiim ah oo aan lahayn fariinada casriga ah ee Tareenka hakiya hadii uu xadkiisa dhaafo, waxaana weli la ogeyn sababta darawelka uusan fariinka u qaban.