Mar I Dage Alla Ha Dago Laba Jeer Idagana Ana Is Dagay. Qalinki:- Kh.Kaariye

(Waxaad shaleyto mudatiyo Mahad hada xusuusnow,
Halki qorigu ka muday mar labad lugtaadiyo.Cagtu yaaney kula marin))


Barnamij siyasadeed Ku sheega dhalan habaabista aha, kulmiyow la idinku fahan,
Wa siyasad xumida korneeyl muse bixi, film mar la dawadey inu mar walba ku soo celiyo, halka waxa ka muuqata In murashaxa kulmiye muse bixi xaga siyasada aanu gudbin ama uu Ku saaqiday, waxana marag ma doon u ah siyasadah expire ka ah ee u marwalba Ku so celinayo.

1994ki dagaladi ehliga aha ee somalilan ee uu horboodayey wuxu ku ololeeynayey garxajis aya Xamar ina geeynaya,taariikhda waxa laga jooga 23 sanadood maanta oo la marayo

2017kii ayu ku so celiyay garxajis aya Xamar ina geynaya, shekadaasi waxay noqotey sheeko shacabka somaaliland aad iyo aad ay ugu qoslen waxaney daboolka ka qaadey inaan korneeyl muse waxba u kordhin oo uu ku saaqiday siyasada absolute wu Ku failed garoobay.

Maantan wuxu soo bandhigay barnaamijki 2008di ila 2010ki madaxweyne silaanyo ku ololeynaayey,waxaana taariikhdaas laga jooga 7 todoba sanadood, waxa halkaas noga muuqatey hadanu nahay shacabka somaaliland in reer kulmiye yihin isma dhaanto iyo dhasheed murashaxooguna aanu lahayn aqoon iyo khibrad midna waliba waxa u dheer maha musharax shaadhkiisu nadiif yahay! Sidaas awgeed intan wakhtigu idinka dhicin anigu waxaan idin odhan laha ka so gaadhsiya murashax kale oo aqoon iyo tayo leh oo bila xajiina, dadka somalilandna waxa ay aaminsan yihin in korneeylka aad Ku xume u sharaxdeen, sidaas darted wakhtiga doorashadu so dhawaato aad badaleysan lakin wax imika muuqata in qabyalad ama baqasho aad ka baqeeysan shaanidi iyo ciyaalo ciirtisi aad Ku daba feeyshen.

Ugu danbeeynti somaalidu waxay Ku maahmaahda “muumiin laba jeer god lagama wada qaniino” shacabka somalilandna wey ka koreen tolay reer hebelow,waxaan qoralkan Ku so afmeeraya tuducyo ka mida gabaygii mulaax ee abwaanki weeyna “Ibrahim gadhle” alla ya raxmu raaximiine.

• Maskaxdaadu yay noqon maqal lagula leyahay.
• Yaan toban muftaaxiyo lagu furan musaabiir.
• Waxaad shaleeyto mudatiyo mahadhada xasuusnow.
• Halkii qorigu ka muday mar labada lugtaadiyo cagtu yaaney kula Marin.
• maantiyo dantaadiyo yaan mileygu ka lumin.
• Maalmaa danbeeyiyo waxa maqana faale.

Wa bilaahi tawafiiq

QALINKII:- khadar kaariye cune.